Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweynaha Puntland Oo Saacadaha Soo Socda Ku Dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada + [ Wararkii Ugu Danbeeyey ]

Garoowe (GNN):- Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madxweyne Saciid Deni uu soo gabagabeeyay wada tashadii uu ku soo magacaabayay Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, iyadoo laga hadal haayo magaalada Garowe inuu soo magacaabi doono Gole Wasiiro oo kooban.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowaan joojiyay kulamadii qaabilaada, taasoo looga gol lahaa inuu yareeyo siyaasiyiinta xildoonka ah ee Madaxtooyada Garowe buux dhaafiyay.

Dad badan ayaa u dhega taagaya Golaha Wasiirada uu soo magacaabi doono Madaxweyne Saciid Deni, waxaana intii uu Ololaha doorashada ku guda jiray uu sheegay inuu soo dhisi doono haddii xilka ku guuleysto Gole Wasiiro oo tayo leh.