Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Kormeeray Keydka Dawooyinka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici), ayaa saaka soo kormeeray deeq dawooyin qalab caafimaad isugu jira oo ururka Sweden SOM uu usoo diray wasaaradda caafimaadka Somaliland, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku-xigeenku soo indha-indheeyay keydka guud ee dawooyinka Somaliland.

Wasiirku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa sharraxaad ka bixiyey deeqdan dawooyinka ah iyo hawlaha shaqo ee keydka dawooyinka Somaliland, waxaana kamid ahaa hadaladii wasiir ku-xigeenka “Madaxweyne ururka SOM Sweden ayaa laba koontiinar oo dawo ah kusoo hagaajiyay wasaaradda caafimaadka,kharashaadka ku baxay imaatinkii dawooyinkanna waxa bixisay wasaaradda caafimaadka somaliland, mudane madaxweyne waxaanu ballan qaadaynaa inaannu sida ugu wanaagsan u maamulno”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo halkaasi hadlo kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyey guud ahaan bulshadda reer Somaliland ee ku nool qurbaha gaar ahaan ururka SOM Swden ee deeqdan qalabka caafimaadka ah keentay waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Aad baan ugu mahad celinayaa ururkan SOM Swden, qurbajooggu meel kasta oo ay joogaanba waan hambalyaynayaa runtii waxqabadkoodu waa mid aan la dafiri karayn, ilaa maalintii aynu lasoo noqonay madax-bannaanida wax cisbitaal qalab yaalla kala badh qurbajoogga, ayaa keenay hamblayo,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News network.