Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweyne Trump Oo Caawa Taageerayaashiisa La Hadli Doona + [ Maxuu U Sheegi Doonaa

USA (GNN):- Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada El Paso ee gobolka Texas, oo ah magaalo ku taalla xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, halkaas oo uu caawa kula hadli doono qaar ka mid ah taageerayaashiisa.

Isu-soobaxa uu Trump ku qaban doono caawa marinka El Paso ayaa waxaa uu diiradda ku saari doono dalabkiisa ku aaddan darbiga uu rabo in uu ka dhiso xadduudka koofureed ee Mareykanka, si looga hortago muhaajiriinta Mareykanka kaga soo tallaaba dhinaca Mexico.

Dhanka kale Beto O’Rourke oo Koongareeska Mareykanka kasoo gali jiray magaalada El Paso, kana mid ah dadka loo maleynayo in ay u ordaan musharaxnimada xilka madaxweynaha ee xibsiga Dimoqraaddiga, ayaa lagu wadaa inuu hoggaamiyo bannaanbax ka dhan ah isu soo baxa madaxweyne Trump ee El Paso.

Booqashada Trump ee xadka ayaa imanaysa xilli Jimcaha soo socda uu ku egyahay muddada uu madaxweynaha u qabtay in Koongareeska uu xal uga gaaro dalabkiisa dhismaha darbiga, si looga hor tago in mar kale ay istaagan qeyb ka mid ah howlihi shaqo ee dowladda.

GABILEY.NET