Madaxweyne Trump Oo Ku Dhawaaqi Doona Xaalad Deg Deg Ah + [ Sababta ]

USA (GNN):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko.

Aqalka Cad ayaa sheegey in Trump uu ku dhawaaqi doono 10-ka subaxnimo ee Jimaha maanta xilliga Washington, D.C., cakirnaata ammaanka qaran iyo midda bini’aadannimo ee ka jirta xadka koonfueed ee Mareykanka

Aqalka Senetka ayaa meel mariyay miisaaniyadda ammaanka xadka Mareykanka gelinkii dambe ee Khamiista, iyo qarashaadka ay dowladda ku shaqeyn doonto si looga fogaado in mar kale ay hakad ku yimaaddaan howlaha shaqo ee qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.

Trump ayaa heysta illaa iyo saqda dhexe ee Jimcaha si uu u saxiixo miisaaniyaddaasi, waxana Aqalka Cad uu sheegey in madaxweynuhu uu saxiixi doono sharcigaas ay meel mariyeen Senetka.

Miisaaniyaddan ayaa ku jirta 1.3 bilyan oo dollar, taas oo loo qorsheeyay gidaar laga dhisayo xadka koonfureed ee Mareykanka, kaas oo gaaraya illaa iyo 90 kiilomitir, waxa ayna aad uga hooseysaa 5.7 bilyan oo dollar oo uu madaxweyne Trump dalbanaayay, si derbi looga dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisiko

GABILEY.NET