Madaxweynuhu Safarkii Ethiopia Guul Ayuu Ka Soo Hoyey, Waxna Waa Hadal Waxna Waa Hir-gal Dhab Ah, kalmada (Adminstration) Kama Mid Aha “Diplomatic Language”ka, Waxa Ka Mid Ah (State). Faalo:- Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane: Muuse Biixi Cabdi ayaa safar casuumadeed ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, Kaasi oo daaranaa amuuraha xidhiidhka iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada arimaha dibbada iyo is-baddelka mandaqada geeska-afrika ee aynu ku nool nahay, Oo ay ka socdaan dabaylo cusub isla markaana culeyskooda wata wadamada mandaqaduna ay aragti ahaan ku kala duwan yihiin. Wadamadaasi jilayaasha ka ah siyaasada geeska waxa ka mid ah Ethiopia, Kenya, Somalia, Djabouti iyo Somaliland, Kuwani oo Longitude and Latitudesba dhaca meelo istaraatajiya oo ku haboon kala-gooshka ganacsiyada dhulka iyo cirka maadaama ay yihiin dalalka mandaqadu quutayaasha ugu badan aduunka ee badeecooyin ganacsi la keeno, Hadaba yadoo Jamhuuriyada Somaliland doorkeeda xirfadeed ciyaaraysa waxay ka faa,iideysanaysaa jaaniska ay kaga mid noqon lahayd wadamada uu jaan-goynayo isbaddelkani, Yadoo aaney meesha ka maqnayn doodaha siyaasadeed ee dhex yaala Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxba yaanan ku fogaan arertee aan abaaro halka ay maanta Qormadaydu daaran tahay oo ah Safarkii Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane: Muuse Biixi Cabdi oo is maqaam dibloomaasiyadeed ah ula kulmay, Ra,iisel-wasaaraha Ethiopia Mudane: Dr. Abbiy Ahmed oo ay wehelinayaan Xubno golahiisa Wasiirada ahi Sida Wasiirka Amuuraha Dibbada dawlada faderaalka Ethiopia Dr. Workneh Gebyahu iyo Wasiirka Maaliyada Ethiopia Dr. Axmed Shide, Halka ay Madaxweynaha Somaliland wehelinayeen Wasiirada Arimaha Dibbada, Arimaha Gudaha, Horumarinta Maaliyada, Iyo Ganacsiga Ee Somaliland, Kulanka ayaa lagu lafa-gurey iskaashiga walaaltinimo, jaarnimo, danaha ganacsi, iyo waliba aragtida ku aadan is-baddelka siyaasada geeska oo inta badan wadamada gobalku ku kala aragti gadisan yihiin, Kulanku waxa uu u dhacay si boqran Somaliland iyo hogaankeedana waxa loo maamuusey si wadan jira oo aaney cidi matalin aan isaga aheyni, Xaqiiqo weeyaan iney Somaliland noqotey xidig ka soo dhex baxdey oo fahantay qaabka ay wax u socdaan kuna guuleysan doonta mayalkeeda adeg ee Qaranimo kuna wajahan sidii ay caalamka wax ula qaybsan lahayd.

Madaxweynaha Somaliland ujeedkiisa Safarka waxa uu ku matalayey Umadiisa reer Somaliland ee codka aqlibiyada ah ku dooratey, Waxa uu huwanaa milgaha qarankeena sumcada iyo jiritaankeeda dalnimo taasibaanu ku tagay wadanka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aynu nahay walaalo soo jireen ah, Hadaba Madaxweyneheenii inaga inoo maqnaa ayaa waxa ujeedkiisa marin-habaabiyey koox yar oo beenaalayaal ah lana baxdey magaca Nabad iyo Nolol , Yagoo sheegtay iney Madxweyne farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku kulmayaan Caasimada dalka Ethiopia ee Adis-ababa taasi oo aakhirkii noqotey mala-awaal iyo been-abuur aan saliyo raad toona lahayn oo mediayaha cadawgu buun-buuniyeen, Waxase jid cad marisey oo arimahaasi in aaney waxba ka jirin hoosta ka xariiqey Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, Hadaba waxa warkan soo wal-waaley oo aan hubsan dalka iyo dadkana ku dhex faafiyey Xisbiga Wadani xubno ka tirsan oo la fahmi laayahay yoolkooda qaranimo isla markaana ka shaqeeya caaridnimo bilaa caqli ah ama aan ku dhisnayn cilmi balaadhan oo ah iska shaadhee waxan laguu dhiibey amaba lagugu yidhi.

Ka dib kulankii labada Masuul ee dalalka Ethiopia Iyo Somaliland Mudane: Muuse Biixi Cabdi iyo Mudane: Dr. Abbiy Ahmed Ali oo markay wada kulmeen la tix-raacey weedh uu Ra’iisel-wasaaruhu uu bartiisa twiterka soo dhigey isagoo ka faaloonaya kulanka dhigiisa Somaliland, Uu yidhaahdo (Somaliland Adminstration) , Oo aan ku jirin Luqada Dibloomaasiyada isla markaana ah kalmad uu caadi u isticmaaley balse aan ku jirin luqada xidhiidhka caalamiga ah, Hadii loo jeedo meqaam darada Somaliland waxaad maqli lahaydeen (Somaliland State), Tani baa luqada dibloomaasiyada ku jirta. Wali miyaad maqasheen Jubaland Adminstration, Hir-shabeele Adminstration ama Puntland Adminstration, Waxaan aragnaa ama aan maqalnaa Puntlan State taasibaana sax ah kuna jirta (Diplomatic Language ka ), Soomaalidaa tidhaahda indhihii bakooro qabaa ma arkaan cad-cadeeda sida awgeed waxaan leeyahay xisbiga bilaa ujeedada ah ee hadana isu haysta iney dibloomaasiyiinta yihiin ayaanu idin qaban (International Lawgu), Oo aad si fiican u garanaysaan waxaa idinla gudboon in aad ku caaridaan xukuumada wax garaad iyo gun-dheeri ku dhisan isla markaana kula talin lahaa in ay muraayadooda balaadhiyaan si heer cabirkoodu u sareeyo ama ay u dul-dhigaan saadaashan ka xumaanaysa.

Qodobkaasi ( Adminstration ) ayaa igu kalifey inaan maanta qormadani holado waayo ma,aha caqli ama garaad-san in la badawsadaa umadeena ama lagu dhaleeceeyo qarankeena wax aan cilmi iyo caqli ku dhisnayn, Ugu danbayn Madaxweynaha Somaliland Mudane: Muuse Biixi Cabdi aad baan ugu hambalyeynanaa waanan ku garab-taagan nahay talaabooyinka wax-ka-oolka ah ee uu ka gaadhey amuuraha rafiiqnimo ee wadamada geeska, Runtii aad bay u adeg tahay in la fahmaa siyaasada amuuraha dibbada markaa yaan lagu dag-dagin caamana hadalkeedaba daa yada waayo Siyaasadani ma,aha lala akhriyey, Waa mid cuquul iyo u baahan caalimnimadeeda iyo waliba ogaalkeeda dhabta ah, Waan ka marag kacaynaa in madaxweynuhu soo hoyey guul sooyaalkeeda muunadeed iyo maqaamba leh.
Qalinka: Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Analysts
Gabiley/ Somaliland.