Maxkamadda Gobolka M/Jeex Oo Maanta Soo Gabo-gabaysay Dhagaysiga Dacwadii Loo Haystay Tuhunsane Abwaan C/raxmaan Abees,Iyo Wakhtiga Loo Cayimay Qaraarka Kama Danbaysta ah Ee Dacwadda, Maxaase Laga Filan Doonaa?

Hargeisa(GNN):-Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal oo kamida bahda garsoorka Somaliland ayaa ilo sharci ku eegay dhagaysiga dacwadii abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maalmihii udanbeeyay si isdaba joog ah uga socotay maxkamada gobolka maroodi jeex isla markaana lafilayo in lagu dhawaaqo maalinta bari ah

Sidoo kale garyaqaan xuseen fadal ayaa hoosta ka xariiqay go,aanka laga filan karo maxkamada iyo hadba talaabada ay qadaa saamaynta uu ku yeelan doono garsoorka Somaliland

Garyaqaan Xuseen fadal ayaa qoraal uu Arimahan kaga hadlayo Oo Nuqul kamid Ahi soo gaadhay xafiiska war Qabadka Waajaalenews ayaa udhignaa sida:

Maalmahii u dambeeyey waxaa si is-daba joog ah ay Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargaysa ay u dhagaysanaysay dacwadda ciqaabta ah ee loo haysto tuhunsane Abwaan C.raxmaan Ibraahim Aaden (C.raxmaan Abees), kaas oo ay Xafiiska Xeer Ilaalintu ku soo eedeeyeen Qodobka 269(3) XCG, iyagoo sheegay in uu u gaystay Aflagaado maamulka Dawladda iyo ciidanka Booliska JSL, kadib markii uu tiriyey gabay uu ku soo bandhigay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa habeenkii ay taariikhdu ahayd 11/01/2019, kadibna ciidanka Boolisku Xabsiga u taxaabeen iyadoo aanay sidan waaranka qabashadda oo uu soo gooyey Garsoore awood u leh (Competent Judge), qaabkii loo maray qabashadiisuna ay ahayd mid sharciga ka soo horjeeda maadama qaanuunka iyo xeerarka aynu dhiganay ay waajibinayaan in aan qofka la xidhi karin iyadoo aan loo haysan amar qabasho oo sababaysan oo uu soo ogolaaday Garsoore Awood u lehi sida ku cad Dastuurka Qaranka JSL Qodobkiisa 25aad xubintiisa 1aad iyo 2aad, oo lala akhriyo Xeerka habka ciqaabta gaar ahaan Qodobadda la xidhiidha qabashadda, in muwaadinku uu fikirkiisa cabiro oo uu ku cabiro gabay ama suugaan aanay ahayn fal dambiyeed, sababtoo ah dastuurka JSL oo ah Xeerka u sareeya shuruucda dalkeena ayaa muwaadiniinta u damaanad qaaday xuquuqahooga aasaasiga ah oo ay ka mid tahay xaqa Rayi dhiibashadda, eeg Qodobadda 32(1)aad, iyo 25(3)aad ee Dastuurka Qaranka JSL.

Haddaba dacwaddaas oo uu Guddoominayey Garsooraha Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargaysa MUDANE C.SALAAN SH.XASAN AXMED waxay si rasmi ah uga bilaabantay maalintii khamiistii ina soo dhaaftay ee ay taariikhdu ahayd 21/02/2019, iyadoo fadhigaasi Markii ay Maxkamaddu furtay isla markaana hubisay in ay dhinacyaddu isku dhan yihiin (Parties of the Case), Dhinaca Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ay matalayeen labadda Ku-xigeen Xeer Ilaaliye Guud oo kala ah Aaden Salaad Seed iyo C.raxmaan Iid Maxamed, iyo dhinaca Difaaca oo ay goob joog yihiin Tuhunsanaha iyo Qareenadiisu.

Maxkamaddu sida caaddadda ahayd waxay u akhriday Eedaysanaha fal dambiyeedka loo haysto si waafaqsan Qodobka 103 Xeerka Habka Ciqaabta (The opening of the trial and the Charge against accused), isagoo ku jawaabay ma qabo fal dambiyeedka la igu soo eedeeyey, jawaabtiisuna sharci ahaan waxay waafaqsan tahay Qodobka 104 XHC (The Plea of the Accused, Plead not guilty), dabcan dacwaddu waxay ahayd mid lagu dhagaysanayey fadhi furan oo dadwaynaha u furan si waafaqsan Qodobka  96 Xeerka Habka ciqaabta (The Proceedings to be public) , xikmadda ka dambaysa in dacwaddu ay ahaato mid dadwaynaha u furan waxa weeyi dhamaan dadka dhagaysanaya waa wada Garsooreyaal, waxayna si cad u dhagaysanayaan wixii caddaymo ah ee ay dhinacyaddu soo bandhigaan, Marka Maxkamaddu go’aanka ku dhawaaqdo waxay ka marag furi doonaan; Eedaysanahaasi ma cadaalad ayuu helay mise Cadaalad darro ayaa ku dhacday.

Waxba yaanan hadal idinku daaline Maxkamadda Gobolku waxa kale oo ay u fadhiisatay dhagaysiga dacwaddan laba fadhi oo kale oo ku kala mudaysnaa 23/02/2019 iyo 24/02/2019 oo ay ku dhagaysatay caddaymaha dhinacyadda (Maragyadda dhinac dacwad oogista iyo Maragyadda dhinaca Difaaca), waxayna isla maanta u dirtay dacwaddan go’aan kadib markii ay dhagaysatay doodahii gabo-gabaynta ee dhinacyadda si waafaqsan Qodobka 119 Xeerka Habka ciqaabta (Summations and Closure of the Hearing), waxayna Maxkamaddu isla fadhiga ku sheegtay in ay ku dhawaaqi doonto Xukunka ay ka gaadhayso dacwaddan maalinta bari ah ee ay bishu tahay 25/02/2019 abaaro 8:00 saac ee subaxnimo, si waafaqsan Qodobka 120 Xeerka Habka ciqaabta (Deliberation of the court and Pronouncement of the Judgement).

Ugu Dambayntii Dacwaddan oo ah mid aad looga dhur-sugayo go’aanka ay Maxkamaddu ku dhawaaqi doono maalinta barri ah, waxaa Maxkamadda la gudboon in ay si taxadir leh u miisaanto caddaymahii iyo maragyaddii ay hor keeneen dhinacyadda (dhinaca Dacwad oogista iyo Dhinaca Difaaca Eedaysanaha), ma is waafaqeen Maragfurkii Maragyadda iyo  falka dhacdada, sidoo kalena ma dabooleen Eedda iyo tiirarka sharci ee uu ku taagmayo Qodobka Eeddu, isla markaana go’aamiso caddaynta culayska badan ee ay ku qanacday (Ogolaatay), waxaanan u soo jeedinayaa Maxkamadda haddii inyar oo madmadaw ahi ka galo caddaynta dambiga lagu soo oogay Eedaysanaha, in ay uga faa’iidayso Eedaysanaha, Markasta waxaa waajib ah in loo cadeeyo si aan shaki ku jirin in dambi dhacay Eedaysanuhuna uu yahay ka galay dambigaasi (Burdon of Proof), the Prosecution shall proof beyond reasonable doubt: a) that the alleged offence was infact committed and b) that the accused committed it, Qodobka 163 Xeerka Habka Ciqaabta.

Waxaan illahay ka rajaynayaa SWT in uu cadaaladda waafajin doono oo ay ku dhawaaqi doonto go’aan xalaal ah, go’aankeeduna waxa uu ka turjumi doonaa cadaaladda waddanka iyo Madaxbanaanidda Garsoorka JSL.

Eebbe tubta toosan ha ina waafajiyo.

 

QALINKII.GARYAQAAN XUSEEN MAXAMUUD  FADAL.