New Zealand Oo Xaalad Dag Dag Ah Looga Dhawaaqay + [ Sababta ]

Kumaan qof ayaa laga daad gureeyey magaaalo kutaal dalka New Zealand ayadoo dadka dabka damiyaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay u bakhtiin lahaayeen dab ka kacay kaymo kuyaal Koonfurta dalkaas.

Dabka oo ka bilowday lix cisho kahor meel u dhow magaalada Nelson, ayaa haatan khatar ku haya magaalada Wakefield.

Xaalad dag dag ah ayaa looga dhawaaqay dalkaas ayadoo kudhawaad 3,000 oo qof ay guryahoodii ka carareen.

Waxaa la filayaa in dabaylo xooggan ay halkaasi ku dhuftaan, ayadoo saraakiishuna ay ka digeen in maanta oo Axad ah ay noqon doonto maalinta ugu halista badan ee dabkaas.

Raysul Wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in laga yaabo in cimiladu ay sii xumaato.

Dabkan ayaa la rumaysan yahay in uu yahay kii ugu xumaa ee ka kaca New Zealand tan iyo sanadkii 1955-kii.

Xildhibaan laga soo doorto magaalada Nelson oo lagu magacaabo Nick Smith ayaa sheegay in xaaladdu ay faraha ka baxday, dadkii dagganaa magaaladaas oo gaaraya 70,000 oo qof ayaa anfariirsan.

Saddex iyo labaatan diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ah iyo laba diyaaradood oo waawayn ayaa ka qayb qaadanaya bakhtiinta dabka.

Roobab la saadaalinayo in ay deegaankaaas ka da’aan ayaa la filayaa in aanay qaban halka dabku qabsaday.

Dab baaxaddaas le’eg ayaa ah wax aan looga baran New Zealand, ayadoo warbaahinta maxalliga ahi ay ku tilmaantay dabkii ugu ba’naa muddo 50 sano ah.

GABILEY.NET