Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay

Hargeysa(Gnet)-Saddex masuul oo xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Axmed-siilaanyo ayaa  toddobaadkan ka degay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in saddexda masuul kala yihiin Wasiirul dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo isaga uu Siilaanyo xilka ka qaaday ka hor ololihii doorashadii madaxtooyada ee 2017. Khadar iyo Axmed-kayse ayaa iyagu Siilaanyo la dhammaystay wakhtigiisii.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka ay saddexdan masuul ee xilalka soo qabtay ay ku tageen magaalada Muqdisho, lamana garan karo in socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi.

Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu masuuliyiintan la xidhiidho si aanu wax uga weydiino socdaalkooda ayaanay noo suurtogelin.

Wasiirul dawlihii cadaaladda Khadar iyo wasiir-xigeenki qorshaynta Axmed-kayse ayaa iyagu ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE,  halka uu wasiir-xigeenkii Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo uu Siilaanyo xilka ka qaaday uu isagu ka tirsanyahay golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo uu ku biiray.