Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Bilaabay Kaambaynkiisa Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye + Masuuliyiin Uu Qarsoodi Ula Kulmy.

Hargeysa (GNN):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada ee Xukumadii Madaxweyne Axmed Siilanyo Maxamud Xaashi Cabdi oo quudaraynaya Musharaxnimada Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye Hadiiba uu wareejiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalmihii udambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera iyada oo shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiyena  kaabiga soo saaran yahay  laguna  qaban doono  Magaalada Boorama bishan 23.02.2019

Ex. wasiir  Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dagan Hutelka DAMAL Ee Magalada  Berbera isaga oo halkaas kulamo qarsoodiya kula yeeshay Madaxda dawlada ee Gobolka Saaxil iyo odayaal iyo waxgarad kaloo kamida golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Waxaana la sheegay inu kulamadaasi ay la xidhiidhaan sidii uu usamaysan lahaa Maxamud Xaashi dad  uu xulufaysto  oo  kujira golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isaga afkaartiisa taageersan si uu u heloo hamigiisa ah in uu  noqdo hogaanka ugu sareeya xisbiga kulmiye [Gudoomiye Xisbi]  waxaana sidaasi sheegaya xogo la xidhidha socdaalka Maxamud Xaashi ku joogo berbera

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka soo kicitimay dhinaca Gobolada Bariga sida Caynaba iyo Togdheer oo  uu Kulamo noocana kula soo yeeshay Xubnaha golaha dhexe kaga jira xisbiga kulmiye  dadka deegaamadaas ku dhaqan iyo Xisbiyahanadii Xisbiga La soo shaqeeyay ee aan xukumada Madaxweyne Muuse biixi xilalka ka helin.

Lama garanayo ila wakhtiga uu Maxamud Xaashi Berbera ku sugnaan doono  iyo talabooyinka kale ee uu qaadi doono.

GABILEY.NET