Wafti ka kooban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka Shaqaalaha oo gaadhay dalka UK.

London(GNN):-Ujeedada Safarkan ayaa ah sidii aan xidhiidh dhaw ula soo samayn lahayn Jaamacadaha iyo xarumaha Tababar ee dalkan UK iyada oo aan beegsanayno dhinacyada;

 barashada English-ka iyo Cilmi baadhista dhanka kalena Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa aan u soo samayn doonnaa Jaamacad ka caawisa maktabad Online ah “E-library” si shaqaalaha Dawladdu u heli karaan Buuggaag ay online ku daalacdaan.

– Socdaalkan ayaa imanaya kadib markii Machadka Shaqaalaha Dawladda laga dhisay dhinaca qalabka imikana ay u baahan yihiin xidhiidho ka caawiya dhinacayada ay baahida u qabaan.

– Maalmaha soo socda ayaan kulamo kuur-gal ah la yeelan doonnaa Jaamacadaha dalkan UK iyo sida oo kale xarumaha Tababar si loo helo xarunta Waxbarasho ee ugu tayada badan hadii Alle Idmo

Image may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people sitting