Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Warqadii Iscasilaada Madaxweynaha U Gudbiyey, Waa Kuma?

Guugulaha geeska oo ah bog dhexe oo lagu daabaco wargeyska Geeska Afrika oo kasoo baxa magaalada hargeysa ayaa saaka sheegay in wasiir ka tirsan xukumadda somaliland uu warqadii is-casilada u gudbiyay madaxweyne BIIXI

Wargeysku wuxu qoray in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Yusuf Ismaaciil uu madaxweynaha somaliland uu u gudbiyay warqadii shaqo ka tagista, isagoo sabab uga dhigay inuu xanuusanayo isla markaana loo baahan yahay inuu nasto.