Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

“Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada…” Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge

Hargeysa (GNN):- Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah Siyaasiyiinta Da’da yare, horena Xil Wasiir ku xigeen uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa ka hadlay Weerarka Bahalnimadda ah ee lagu soo qaaday Wargeyska Foore.

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan

“Xayiraada wargeysa Foore waa quful ka mida qufulada digtaatooriyada! Faalo warreed uu wargeys qoray oo ku saabsan madaxtooyada cusub iyo duuruufaha nololeed ee shacabka Somaliland, in Xayiraad iyo ganaax uu ku mutaysto wargeysku waa wax lala yaabo!! Anaga lehe xilligeedi lama joogo oo wax la aqbali karo maaha in aad na tidhaahdaan hal milyan iyo badh reer Somaliland ah ayaa macaluulli haysaa ee aduunkow caawimo nala soo gaadha iyo waxaanu dhisanaynaa madaxtooyo ku kacaysa lacag malayiin ah, waa laba aan is’ qabanayn!!!

Waxa kale oo uu yidhi“Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha cusubi wuu ka guuray madaxtooyadii si uu kharashka badan ee madaxtooyada ku baxa shacabka wax loogu qabto! Adna adoo gajoonayaa ayaad doonaysaa in aad mid dhisato! Waa kala maanka aduunka!!”.

GABILEY.NET