Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Iyo Xil, Warfaa Oo Tartan Ugu Jira Buuxinta Jagada Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye.

Waxa isa soo taraya loolanka ay xubno ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ugu jiraan jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qorshaysan February 23.

Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel.

Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu  magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe.

Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto.