Xildhibaanka lagu dilay Muqdisho oo hore uaga hadlay xaalad murugoleh oo amaankiisa ku saabsanayd

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa khudbaddii ugu dambeysay ee uu ka jeediyay golaha shacabka diiradda ku saaray amniga wuxuuna si qiiro leh uga hadlay caqabadda dhaqaale ee heysata ciidanka.

Xildhibaan Boqorre ayaa muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka SoomaaliyaImage captionXildhibaan Boqorre ayaa muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya

Bishii Sitembar ee sannadkii 2018-kii ayuu xildhibaankan, oo maanta lagu dilay Muqdisho, jeediyay khudbaddiisii ugu dambeysay ee baarlamaanka, taasoo qalbiyo badan taabatay.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay howlaha sugidda amniga ee maarada loo waayay, isagoo sheegay in ciidanka amniga ay u baahan yihiin in xuquuqdooda loo dhammeystiro.

“Ciidan niyad sami iyo kalsooni qaba ayaa amni suga, hadduusan ciidanku kalsooni qabin amni ma sugo, tiro kastaba hala ekaadee. Ciidanka maanta aan heysannaa niyad ma hayo. Ciidanku waajibna isaga ayaa leh waajibna isaga ayaa lagu leeyahay. Marka la siiyo waajibka uu leeyahay ayuu waajibkiisa fulin karaa”, ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidanka oo ay dhibaatooyin badan heystaan haddana uu mushaarkooda yahay $100 doolar, sidaas oo ay tahayna mararka qaar dhowr bilood laga daahiyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga qudhiisa mar uu ku dhaawacmay weerar uu kala kulmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Aniga nin ilaaladeyda ah ayaa isbuuc ka hor i feedhay. Guddoomiyuhu markhaati buu ka yahay, anigoo sakaraad ah ayaa gurigiisa la ikeenay. Nin ilaaladeyda ah ayaa i dilay laakiin kama xumaanin, sababtoo ah waxaan ogaa in ninkaas aan saddex ama afar bilood mushaar la siinin. Wax aan meelaha ka jaaf jaafo ayaan siinayay, guddoomiyaha laftiisa ayaan 2 bilood mushaar uga qaaday, markii aan isbitaalka digfeer kasoo baxay waxaan raalli galiyay askarigii i feedhay”, ayuu yidhi xildhibaanka.

 

GNET