Booliiska Iyo Laamaha Amaanka Ee London Oo ilaalo Ka Qabtay Masaajidada Iyo Goobo Muhiima Oo Looga Baqayo Weerar Iyo Caalamka Oo Ka Hadlay Xasuuqii Newzealand

London(GNN):-Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay “in booliis muuqda” maanta la gayn doono agagaarka masaajidda iyadoo dadku ay aadayaan salaadda Jimcaha. Wuxuu intaas ku daray in askarta la gaynayo ay ka mid noqon doonaan ciidammada loo tababaray in ay ka jawaabaan weerarrada hubaysan. “London waxay garab taagan tahay dadka magaalada Christchurch , xiligan ay wajahayaan weerarkan argagisada ee qaabka daran” ayuu soo qoray duqa magaalada London Sadiiq Khan. Dalalka saaxiibbada la ah dalka New Zealand iyo kuwa kale ee ay dariska yihiin ayaa ka falceliyay weerarka lagu qaaday masaajidda, waxayna sheegeen in ay ka murugoodeen kana kana argagaxeen weerarradaas Waa kuwan qaar ka mid ah dalalka dhacdadan ka hadlay: Malaysia ayaa sheegtay in labo muwaadin ay kaga dhaawac meen weerarka. Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso “weerarkan macno la’aanta ah ee argagixisadu ku qaaday dadka aan waxba galabsan ee shacabka ah, ayna rajaynayso in sharciga la hor keeno dadkii falkaas foosha xun ka dambeeyay”. Ra’iisulwasaaraha dalka Fiji Frank Bainimarama ayaa yiri “Qalbiga ayaa jaban dadka reer Fiji, waxaana la murugoonaynaa dadka aan walaalaha nahay ee reer New Zealand”.

 

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dadka dhintay uu ka mid yahay hal ruux oo u dhashay Fiji ama laga yaabo in ay intaas ka sii bataan. Ra’iisulwasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dadkiisu ay “garab taagan yihiin dhammaan dadka reer New Zealand ee ku jira wakhtigan madaw ee nacaybka iyo rabshadahu ay ka xadeen nabadda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegtay in ay “aad u cambaaraynayso weerarka, iyadoo ay dadku ku jiraan masaajid ay ku tukanayeen. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Edogan ayaa sheegay “in weerarkan uu yahay tusaalihii u dambeeyay ee cunsurinimada iyo Islaam nacaybka”. Ra’iisulwasaaraha UK Theresa May ayaa cambaaraysay “weerarkan xannuunka badan” waxayna dirtay tacsi.