Dal mamnuucay sharaab dareenka hamada kordhiya

 Zambia oo mamnuucday cabitaan shahwada kordhiya

Masuuliyiinta Zambia ayaa mamnuucay cabitaan tabarta kordhiya oo la ogaaday in ay ku jirto maado loo adeegsado marka la samaynayo dawada Viagra ee dareenka shahwada kordhisa.

Dhammaadkii sannadkii hore ayay dad reer Uganda ah ka calaacaleen in ay isku arkeen dareenkooda oo wakhti dheer kacsanaanaya ka dib marka ay cabaan sharaabka Power Natural High Energy Drink SX oo lagu soo sameeyo Zambia.

Masuuliyiinta caafimaadka ee Uganda ayaa baaritaan ku samayeeyay ka dibna ogaaday in sharaabka ay ku jirto maado laga sameeyo dawada dareenka siyaadisa ee Viagra.

Zambia ayaa iyaduna sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto.

“Natiijooyinka ka soo baxay shay baarrada cuntada iyo dawada ee Zambia iyo Koonfur Afrika ayaa muujiyay in ay sharaabka ku jiraan dawo dareenka sare u qaadda” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa war ka soo baxay masuuliyiinta Zambia.

Warshadda sharaabkan soo saarta ee Revin Zambia ma aysan ka hadlin arrintan.

Vikas Kapoor oo ah agaasimaha shirkadda sharaabkan samaysa ayaa bishii Janaayo BBC-da au sheegay inta uu ogyahay in sharabka aysan ku jirin wax dawo ah noocay doontaba ha ahaatee.

Source BBC News