Dawlada Eritrea Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Wasiirkii Arimaha Dibadu Uu Muqdisho Ku Sugan Yahay?

Hargeisa(GNN):-Dawlada Eritrea ayaa ka hadashay warar sheegaya in wasiirkeedii arimaha dibadu uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ee Eritrea Yemane G. Meskel ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararkaasi isla markaana aanay sax ahayn, waxaanu meesha ka saaray socdaalka la sheegay in wasiirkii arimaha dibadu ku tagay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Horn Diplomat ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ” Warka ku saabsan in wasiirka arimaha dibada Eritrea uu tagay muqdisho maaha sax, marka booqashadu dhacdo waanu shaacinaa balse dabcan hore ayuu wasiirkii u booqday muqdisho waxaanan hubaa inuu marar kalana booqan doono mustaqbalka.”

Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in markii ay soo baxeen xogaha tibaaxaya in wasiirka arimaha dibada Eritrea Cismaan Saalax uu ka dagay magaalada Muqdisho uu ka qayb galayey kulamo lagaga hadlayey horumarka iyo heshiiskii nabadeed ee ay la galeen dalka Itoobiya oo ka socday magaalada Asmara.