Deg Deg Daawo Wariyayaal Reer Gabiley Ah Oo Askari Ka Tirsan Booliska Uu rasaas Nool U Adeegsaday

Gabiley(GNN)Deg Deg Daawo Wariyayaal Reer Gabiley Ah Oo Askari Tirsan Booliska Uu rasaas Nool U Adeegsaday.

Dhacdada Arrintan ayaa Ka danbaysay kadib markii maamulka gobolka gabiley ay qaar kamida warbaahinta gobolka ka hor istaageen inay soo galaan goobaha ay ka socodaan hawlaha iyo xafladaha kala duwan ee gobolku taas oo ay amar ku siiyeen ciidamada booliska inaanay soo gali karin qaar kamida warbaahinta gobolku ee madaxa banaan, halka loo ogolaaday in qaar kamida warbaahinta ay maamulka gobolku u ogolaadaan inay si caadiya u duubtaan wararka iyo dhacdooyinka socoda,

Arrintaas oo u muuqata Mid Lagu kala faquuqayo Warbaahinta Madaxa Banaan ee Gobolka oo ay Sabab u yihiin Maamulak gobolka oo soo kala dhawaystay Suxufiyiinta Gobolka ayaa Sababtay in kadib Markii askari ka tirsan ciidanka boolisku uu ka hor joogsado wariyayaashan u socoday hawshan shaqo inay gudaha u galaan garoonka mo farah oo ay ka socotay kormeer ay ku joogeen madax kala duwan oo ka socota xidhiidhka kubada cagta ee waddamada aan la aqoonsan ee loo yaqaan ‘Conifa’ oo booqasho ku jooga somaliland si ay uga qayb qaataan Tartanka ka dhici doona somaliland ee ay kasoo qayb galayaan Wadamada Aan la Ictiraafsanayn, ayaa sababtay in askariganu ka hor istaago inay gudaha u galaan garoonka kaas oo amar ka helaya Maamulka gobolka iyo ka degmada, waxaana arrintaasi sababtay in hadalkii gaadho xaalad uu askarigu rasaaas ku furo wariyeyaashan loo diiday inay gudaha u galaan garoonka, 

Dhacdadaas oo Mar kaliya Anfariir iyo Amakaag ku noqotay Madaxdii ka socotay Wadamada Caalamka ee cadaanka ahaa oo hal mar uun ku war helay dhawaaqa rasaasta ka dhacday afaafka garoonka ay gudaha ugu jireen.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET