Deg-Deg-Qaraxyo Gilgilay Wasaarado Wasiir Ku Xigeen Ku Dhintay iyo Khasaaraha ilaa hadda Ka Dhashay Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaalaan labo ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa lasoo sheegaya in laga maqlayo rasaas teel teel ah.

Faahfaahin dheeraad ah wali lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadan balse Xarakada alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarkaasi ay geysteen.

Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa sidoo kale sheegtay in xoogag ka tirsan dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen dhismaha ay ku taallo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta walina ay halkaasi ka dagaalamayaan.

Magaalada Muqdisho ururka Alshabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka gaysta.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan xiray goobta ay ka dhaceen qaraxyadu.

Wixii faahfaahin halkan kala soco.

Saqar Ibraahim, Wasiirk ku xigeenkii wasaaradda Shaqada.
Image caption: Saqar Ibraahim, Wasiirk ku xigeenkii wasaaradda Shaqada.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaan labo ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa lasoo sheegaya in qaraxyada lala beegsaday.

Wali faahfaahin dheeraad ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas balse waxaa la xaqiijiyey geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada Saqar Ibrahim.

Ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeen weerarkaas.