Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Eriterea oo Sheegtay in Weftigoodu Kulan Labaad Arrimo Badan Kala Hadleen Madaxweynaha Somaliand

Hargeysa(GNN)- Warsidaha Shabait  ee  Wasaaradda Warfaafinta Eriterea, ayaa maanta daabacday  war ku saabsan weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas, Cismaan Saalax  ee maalintii labaad booqashada shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Shabakada Caalamiga ah ee Gabiley News Network (GNN) ayaa soo xigatay warka lagu baahiyey shabakadda Shabait  oo ciwaankiisu ahaa “Weftiga sare ee ka socda Eriterea oo kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Somaliland.”

Qoraalka Warsidaha Shabait oo aanu Indiin Turjunay wuxuu u qornaa sidan:-

“Weftiga heerkiisu sareeyo ee ka socda Dawladda Eriterea oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cismaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eriterea Mr. Yeman Gebreab ayaa kulan labaad oo saacado socday saaka la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay si qoto-dheer uga wadahadleen Arrimihii ay kulankoodii koowaad ku falanqeeyeen.

Waxa kaloo Weftiga ka socda Eriterea ay kulamo la yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo xubno ka tirsan Golayaasha Guurtidda iyo Wakiillada Somaliland.

Sidoo kale, waxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xalay casho-sharaf ku maamuusay  weftiga Eriterea.”

Halkan Ka Akhriso.
http://http://www.shabait.com/news/local-news/28186-senior-eritrean-delegation-held-discussion-with-various-somaliland-officials

%d bloggers like this: