Golaha Ammaanka QM oo ka shiray Xaalada Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii shalay kulan gaar ah ka yeeshay Xaalada Amni, Siyaasad iyo Dhaqaale ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa kulankooda uga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2021, waxaana Xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamul goboleedyada ka codsadeen inay dedejiyaan Xeerka doorashooyinka oo ay ugu dambeyn soo gudbiyaan bartamaha sanadkan 2019.

Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in muddo kordhin sanad ah loo sameeyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, iyagoo isla meel dhigay inuu sii shaqeeyo ilaa 31-da Maarso sanadkan soo socda ee 2020.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Kooxaha argagixisada ah ee caqbaada koowaad ku ah horumarka dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ka hor-jeediyay warbixin ka hadleysay xaalada Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay horumarada u dambeeyay ee dowladda sameysay.

Ugu dambeyn Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Midnimo inay gaaraan owladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay cambaareeyeen qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.