Halkan Ka Akhriso;-Magaca Loo Bixiyey Goobtii Ay Ku Dhacdey Diyaaraddii Itoobiya

Addis Ababa (GNN):- Dadka ku nool agagaarka goobtii ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya ee duulimaad lambarkeedu ahaa ET302 ayaa baroordiiq u sameeyay 157 ruux ee halkaas ku dhintay.

Waxay ahaayeen dadkii u horreeyay ee gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday 10kii bishii Maarso, waxayna arkeen diyaaraddii oo afka ciidda dartay.

Balse waxaa jira arrin aan cidina ku baraarugin oo ah magaca goobta ay diyaaraddu ku burburtay.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa afka Oromada lagu dhahaa “Tulluu Farraa” oo macnaheedu yahay “Ayaan Daran”.

“Deegaankan waxaan Tulluu Farraa ama Ayaan daran ugu bixinay cimilo xumida” ayuu yiri Baatirrii Lemma oo ka mid ah odayo dhaqameedka deegaankaas oo BBC-da la hadlay.

Baatirrii ayaa sheegay in jooga aadka u sarreeya ee goobtaas uu adkaynayo in la ogaado dhanka ay dabayshu ka imaanayso.

“Waa meel aad u qabaw oon lagu noolaan karin sidaas daraadeed dadku waxay ugu yeeraan Tulluu Farraa oo macnaheedu yahay “Ayaan Daran”.