Halkan Ka Daawo:Wasiirka Xidhidhka Golayasha Iyo Dastuurka Somaliland Oo Ka Waramay Shir Caalamiya Oo Uu Kaga Qayb Galay Dalka Ingiriiska

Hargeisa(GNN):- Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha Dastuurka jsl Mudane Maxamed Xaaji aadan cilmi Ayaa Maanta Shir jaraaid  uu ku qabtay xarunta wasaarada waxaa uu faahfaahin dheer ka bixiyey shirar caalamiya oo uu kagaga qayb galay dalka ingiriiska iyo nuxurka ujeedooyinka ay daarnaayeen kulamadaasi.

Waxaana uu wasiirku ku dheeraaday ahmiyada ay u lahaayeen qaranka jsl oo uu ku mataleyey ka qayb galka shirarkaasi.

Shirkan uu ka gayb galay wasiirku oo ay kasoo qayb galeen dhammaanba shirkadaha caalamka ee ku guuleystay Ganacsiyada Kala duwan Laguna Magacaabo “Business Award” iyadoo sidoo kale ay shirkan qayb ka ahaayeen dawladaha kala duwan oo shirkan lagu casuumay Somaliland ay kamid ahayd, Waxaana markii uu shirkani furmay ayaa wasiirku waxaa uu halkaasi kasoo jeediyey khudbad dheer oo ku taxaluqda Qadiyada dalka jamhuuriyada Somaliland iyo sida ay Somaliland u tahay dal Nabdoon oo la jaanqaaday Dunida iyo dalalka dhinaca amaanka ka horumaray,

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka golayaasha Mudane  Maxamed Xaaji aadan cilmi Ayaa Hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa Noo sharaf ah in shirkan oo lagu casuumay in ka badan kun qof oo ka kala socoda dalalka caalamka ay qaybna ka ahaayeen xidhibaanada baarlamaanka dalka Ingiriisku ay soo suurto gashay inaanu halkaasi kasoo jeedino warbixin ku saabsan dalka Somaliland meesha ay ku taalo iyo sida ay u tahay dal xasiloon, iyo jaanisyada Baayac mushtar ee ka banan,iyadoo runtii ay aad iyo aad u daneeyeen ganacsatada kala duwan ee halkaa isugu yimid oo ahaa ganacsato runtii u dhuun daloola mashaariicda ganacsi ee la maalgashan karo ee ka jira dunida si dhowna ula socoda geeska Africa iyo somalilandba. Iyadoo halkaasina lagu abaalmariyey runtii dadkii soo bandhigay halka ay ganacsiga ka gaadheen kuwaas oo ka koobnaa tiro ilaa ka badan kun qof.

Waxaa Sidoo Kale Noo suuro gashay inaanu halkaasi kusoo bandhigno madasha shirkaasi barnaamij ku saabsan sheegayana waxa ay tahay Somaliland  horumarka iyo deganaanshaha dalka jsl oo aanu ka diyaarinay,

Waxaana dhamaanba la daawaday muuqaalkaasi oo si faahfaahsan usoo bandhigayey Somaliland bugcada ay ku taalo iyo sida ay u tahay dal nabdoon, waxaa kale oo runtii muhiim ahay in gudoomiyaha Islamic channel ee loo martida ahaa uu si waafiya uga warbixiyey Somaliland in ay tahay da nabdoon oo ka amaan badan halka uu ka dhacayo shirkaasi oo ay aad ula yaabeen dhammanba madaxdii kasoo qayb gashay aadna usoo jiidatay.

Waxaa Iyaduna noo suurto gashay inaanu ka qayb galo shir kale oo aad muhiim u ahaa kaas oo ay iska kaashadeen dhalinyarta iyo aqoonyahanka reer Somaliland shirkaas oo ahaa mid qaadhaan loogu ururinayo agoonta reer Somaliland, waxaan halkaasi ay kagaga dhawaaqeen lacag gaadhaysa ilaa 180,000 lacagta istarliinga ah oo u dhiganta ilaa 260,000$ dollar, iyadoo wakhtiga ay lacagta intaa leeg ku dhawaaqeena ahayd wax ka yar ilaa saddex saacadood iyo wax ka yar taas oo ay ugu talo galeen in lagu daryeelo caruurta agoomaha ah ee reer Somaliland oo runtii muujinaysa siday muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan dalka ingiriiska u barbar taagan yihiin dalkooda.

Waxaana Wasiirku intaasi ku daray in soo kale ay usuurto gashay in dhalinyarta shaqo abuurka loo sameeyo dhalinyarta taas oo mashaariico dhinaca kaluunka iyo bada ah laga sameyn doono dhinaca badda ee magaalada berbera,

Isku Soo duudboo shirarkaasi uu wasiirku kaga qayb galay dalka ingiriiska ayaa ahaa kuwo uu meel kasta iyo madal kasta ay kusoo bandhigayeen sida Somaliland u tahay dal nabad ah uu muhiim u ah in la maal gashado ahna dal iskii isugu tashaday soona dhaweynaya cidkasata oo la timaada mashaariico dalka iyo shacabkiisaba faaiido u leh.