Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ma Madaxweyne Biixi Ayaa Socdaal Ku Tagaya Asmara Mise Madaxweyne Afawerki Ayaa Hargeysa Imanaya?

Hargeysa(Gnet)-Ka dib socdaalka saddexda maalmood maraya ee uu wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha Madaxweynaha Ereteriya Yemane Gebreab ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, waxa soo baxaya warar sheegaya inay dhawaan kulan yeelan doonaan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Ereteriya Muuse Biixi Cabdi iyo Isaias Afwerki.

Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax, ayaa markii uu Madaxweyne Biixi kulanka la yeeshay wuxuu sheegay Madaxweynaha Ereteriya u soo diray Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan xaaladda Somaliland ku sugantahay, maadaama oo ay Ereteriya hawada ka maqnayd muddo 20 sanno ku siman oo ay cunoqabatayni saarnayd, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha Ereteriya gaadhsiin doonaan waxyaabaha ay ku arkeen Somaliland.

Ka dib socdaalka masuuliyiintan Ereteriya ku yimaadeen magaalada Hargeysa, waxa la sugayaa inay kulmaan labada madaxweyne ee labada dal.

Waxa soo baxaya warar sheegaya suurtogalnimada in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu socdaal ku tago dhawaan magaalada Asmra ee caasimadda Ereteriya, waxaanay wararku intaas ku darayaan in Madaxweyne Afawerki weftigiisan u soo dhiibay martiqaad rasmi ah.

Warar kalena waxay sheegayaan in laga yaabo in Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki uu socdaal ku iman doono caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweyne Biixi u fidiyay martiqaad uu ugu dhiibay weftiga.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay wararku tilmaamayaan inay u dhowdahay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan socdaal shaqo ku tago magaalada Asmara si uu ula kulmo dhiggiisa Ereteriya.

Labada masuul ee Ereteriya ee Wasiir Cismaan iyo la taliye Yemane Gebreab, ayaa ah laba nin oo aad ugu dhow-dhow Madaxweyne Isaias Afwerki, waana baalasha uu Madaxweyne Isaias Afwerki ku duulo, waxaanu Wasiir Cismaan Hargeysa ka sheegay in Madaxweyne Biixi siiyay warbixin Somaliland ku saabsan oo uu ku tilmaamay mid xiiso leh oo muhiim ah.

W.Geeska

%d bloggers like this: