Machadka Heritage oo qiimeyn ku sameysay xukuumada Farmaajo

DHAGAYSO Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ee Somalia ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay dowladda Somalia.

Warbixintan ayaa lagu eegay guud ahaan labadii sanadood ee uu xukunka hayay madaxweyne  Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay 8-dii bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii, isagoo ololihiisii iyo khudbadiisii doorashadiisa ka dibna balan qaaday inuu isbedel weyn sameyn doono.

Heritage ayaa sheegtay inay warbixinteeda ku jaan goosay, wixii ay dowladdu sheegtay inay qabaneyso iyo waxa ilaa iyo hadda ka hirgalay.

Warbixinta Heritage oo kooban iyo wareysi uu la yeeshay agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif, waxaa inoo haya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.