Madaxweyne Biixi Oo Qiray Caqabadaha Hortaagan La Dagaalanka Musuqmaasuq iyo Qorshaha Ay Bulshadu Ka Filayso Xukuumadiisa.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha jsl Mudane Muuse Biixi cabdi ayaa wakhtigan oo uu talada dalka gacanta ku hayo iyo markii uu ku jiray tartanka doorshada ee uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kumiye Shacabka somaliland ugu khudbadeeyey balanqaadkii xisbiga kumiyena ka mid ahaa in Xukuumadiisu noqon doonto mid si adag ula dagaalanta musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida bulshada.

Hadaba kamidho dhalinta balanqaadyadaasi madaxweynaha jsl oo Talaabooyinkii ugu horeeyey ay qaaday xukuumadiisu ayaa durba waxa jira dareen uu madaxweyne muuse hore uga sii hadlay oo ah in bulshada somaliland La dagaalanka musuq iyo hanti lunsiga haddii ay dhacdo in Shaqsiyaad loo xidhaa ay markiiba bulshadu ku salaynayaan reero iyo qabaa’il ka awood badan dariiqii loo marilahaa horumarka iyo dawlad wanaaga.

Hantidhawrka Guud ee Qaranka somaliland oo ka duulaya qorshaha xukuumada jsl ee ku aadan Musuqmaasuqa ayaa bulshada somaliland hore ugu sheegay in masuulkasta oo xil qaranka u haya lagula xisaabtami doono iyadooo cidii ku kacda arrimo musuqmaasuqna la marsiin doono xukunada ciqaabta uga yaala qaranka, cidii sida loogu talo galay u gudotana  lagu abaalmarin doono.

Waxaana inta la ogyahay baadhitaano hor-leh oo uu sameeyey hantidhawrka qaranka somaliland soo baxay in masuuliyiin xilal kala duwan haya qaarkood xabsiga loo dhigay falal ay galeen oo aan wali maxkamad lagu horgayn, halka qaar kalena laga dhursugayo in madaxweynuhu ka qaado xilka ay hayaan iyo xasaanada ay u huwanyihiin si  loo xidho maxkamadna loo taago.

caqabadaha hortaagan la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa durba bulshada qaybeheeda kala duwani ku kala aragti duwanyihiin iyadoo ay hore u dhacday in masuul loo haysto hanti shacab lagu difaacay nidaam qabiil iyo qadiyad reernimo.

Si kasataba ha ahaatee shacabka somaliland ayaa Xukuumada Madaxweyne Biixi Ka Filaya Ka Midho dhalinta Balanqaadyadaasi Lagula Dagaalamayo Musuqa iyo sidii ay u dhici lahayd in bulshada la tuso masuul lunsaday hantidii qaranka oo maxkamad lagu tagaay si ay u timaado isla xisaabtan iyo aaminaad lagu kalsoonaan karo masuuliyiinta.

Halkan Ka Daawo Madaxweynaha Jsl Oo Ka Hadlaya Caqabadaha Hortaagan La Dagaalanka musuqa iyo Qorshaha Hantidhawrka Qaranka.