Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Baxay Heshiiskii Uu La Galay Jamaal Cali Xuseen Iyo Garabkii Ka Soo Ga.ay Xisbiga UCID

Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka baxay heshiis uu la galay garabkii ka soo go’ay  xisbiga Ucid ee uu hogaaminayey murashaxii madaxweyne Md Jamaal Cali Xuseen.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hogaaminayey xisbiga Kulmiye isla markaana ahaa murashaxii madaxweyne ee Xisbiga isla markaana u baahnaa taageero badan oo uu helo iyo siyaasiin miisaan leh oo garab istaaga doorashada ayaa heshiiskan la saxeexday Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii hogaaminayey  markay taariikhdu ahayd 06/02/2017.

Wararka ayaa sheegaya  heshiiska labada dhinac ayaa qodobo ka mid ahi dhigayeen in ugu yaraan xubno gaadhaya 25 ka mid ah garabkii Jamaal Cali Xuseen ay ka mid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  iyo in haddii uu xisbiga ku guulaysto madaxtinimada dalka laga qayb galiyo dawlada cusub isla markaana loo magacaabo xilal muhiim ah.

Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashaxii madaxweyne ee xisbiga Ucid ayaa ku biiritaankiisa xisbiga Kulmiye ay miisaan siyaasadeed  u yeeshay murashaxnimadii madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigaas, taas oo keentay in xisbiga Kulmiye uu kaalinta koowaad kaga ka soo baxo gobolka Saaxil ka dib codbixintii doorashada madaxtooyada, iyada oo codadkii gobolkaasina ay kaalin muuqata ku lahaayeen guushii xisbiga Kulmiye iyo murashixiintii u tartamayey.

Ka dib guushii uu madaxweyne Muuse Biixi ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee dabayaaqadii 2017, waxa uu meel iskaga tiiriyey  heshiiskii uu la galay Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii uu hogaaminayey ee ka soo go’ay xisbiga Ucid, taas oo haatan ay soo baxday saamaynta ka dhalatay.

Jamaal Cali Xuseen iyo inta badan xubnihii wehelinayey ee ku biiray xisbiga Kulmiye ayaan ka soo muuqan shirkii golaha dhexe ee xisbiga ka dib markii loo fulin waayey heshiiskii hore loola galay ee ku saabsanaa ka mid noqoshada xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi.

Hogaamiyaha garabkii ka soo go’ay xisbiga Ucid Md Jamaal Cali Xuseen ayaa haatan laga dareemayaa sida uu u saluugsan yahay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisaba isaga oo marar dhawr ahna ku duray arimo kala duwan, ka dib markii loo fulin waayey heshiiskii hore loola galay.

Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen oo haatan dalka dibadiisa ku maqan ayaa la filayaa in marka uu dalka ku soo laabto uu soo bandhigo mawqifka uu ka taagan yahay xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihii uu guushiisa kaalinta weyn ku lahaa ee Muuse Biixi Cabdi.

GABILEY.NET