Daawo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saaka Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta + [ Ujeedada Safarkiisa ]

Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu  hoggaaminayo ayaa maanta  safar ugu bixi doona  magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Madaxda Shirkada DP World ee mashaariicda ka wada Dekeda berbera iyo qaar ka mid ah waddooyinka Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET

Safarka Muuse Biixi ku tagayo Imaaraadka Carabta ayaa ah kii labaad, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Somaliland, waxaa uu Imaaraadka tagay bishii March ee sanadkii hore.

Waxaa la filayaa inuu kala hadlo Madaxda Shirkadda DP World uu kala hadlo dardar gelinta qorshaha dib u habeynta iyo balaarin loogu sameynayo Dekadda wayn ee Magaaladda Berbera.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi  ayaa dhowaan safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kalana hadlay arrimo kala duwan oo quseeya iskaashiga iyo danaha labada dhinac ay wadaagaan.

GABILEY.NET