Masar oo u muuqata inay beddeshay siyaasadii fashilantey ee midnimada Soomaaliya iyo Somaliland

Dowladda Masar ayaa u muuqataa inay beddeleyso siyaasaddeedii ku aadaneyd midnimad Somaliland iyo  Soomaaliya sida uu sheegay Rashiid Cabdi, oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG).

Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa safar shaqo ku tagay dhowaan dalka Masar, isagoo kulano la yeeshay dhigiisa dalka Masar iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Masar.

Wafdigan Somaliland ka socday ayaa sidoo kale waxay kulamo la qaaten Saraakiil kamida kaaliyeyaasha dawladda Masar u qaabilsan dalalka Afrika iyo Geeska Afrikaba, iyagoo kulamo la qaatey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Masar, oo uu hogaaminayay Gen. Jamal Xigasi, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda iskaashiga dibadda iyo horumarinta ee Masar.

Rashiid Cabdi ayaa booqashada waftigan ku macneeyey mid muujineysa is-beddel ku yimid siyaasaddii arrimaha dibedda Masar.

“Is-beddelka Masar ee ku wajahan Somaliland waa mid aad muhiim u ah. Qaahira waxay caadiyan ahayd codka ugu xooggan ee carbeed ee kasoo horjeeda somaliland waxay doorbidi jirtay dowlad dhexe oo Soomaaliya iyo somaliland, oo ay rumeysned inay ku caabin karto Ethiopia.” Ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Kulamada waftiga Somaliland iyo dowladda Masar, ayaa waxaa la sheegaya inay kaso baxeen in labadda dowladood ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, horumarinta dhaqaalaha iyo dhanka amniga.

Masar ayaa qeyb ka ah xulufada dalalka Carbeed ee go’doominta galiyey dalka Qatar, oo dowladda Soomaaliya ay aad isugu dhow yihiin.

Gabiley.net