Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Dhexmaray Ganacsatada Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi?

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland Md Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa ka waramay kulan ganacsatada dalku la yeelatay madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi.

Gudoomiye Jamaal Caydiid Ibraahin waxa uu shaaciyey in is afgarad laga gaadhay khilaaf u dhaxeeyey rugta ganacsiga iyo shirkada DP World ee gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Runtii wakhti badan ayaanu isku qaadanay si wanaagsan oo ah sidii dhaqanka inoo ahayd oo saraaxiya oo dhan u wada jeedno ayaanu u wada hadalnay, dano badan oo dalka khuseeyana waanu ka wada hadalnay dhamaantoodna waanu isku afgaranay iyada oo shaqadiina ay saaka bilaabantay.”

Gudoomiye Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ka wada hadalnay qodobada, In DP World oo ka cabatay sarifka hoos dhaca ah ee ku yimaada marka ay naga qaadaan lacagta somaliland ee iyagu dib ugu badalayaan doolarka, kaas oo aanu ka heshiinay, laba waji ayeyna ahayd kaas oo wajiga hore bilaabmayey 12 March oo lagu darayey sarifka lacag dhan 1500 iyo wajiba labaad oo ah 12 June in lagu daro 1500 oo kale, Madaxweynuhu cabashadayadii wuu tixgeliyey waxaanu ka saaray 1500 ee June la kordhin doono, kordhiskiina wuu noo soo jeediyey anaguna waanu aqbalnay.”

Sidoo kale gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland waxa uu sheegay in heshiis laga gaadhay cabasho ay ka qabeen liisamada ganacsiga ee ay ganacsatada dalka la siiyo waxaanu yidhi “Waxa soo raaca cabashooyin aanu ka qabnay liisamada ganacsatada la siin jiray oo dhibaato ka taagnayd gobol walbana ogyahay, dhibaatadaasi waxay ahayd liisamada ganacsatada la liisan jiray oo sadex nooc ahaa kuwaas oo kala xadayntoodii muran keenay, sadexdaas liisana hay’adihii dawlada ee ay kala khusaysay ee ganacsiga, maaliyada iyo dawlada hoose dukaamadii iyo bakhaaradii isku waydaarteen taas oo keentay in meherado badani xidhmaan qaarna muran keenaan halka kuwo kalana handidaad la kulmeen, madaxweynuhuna arintaas go’aan ayuu ka gaadhay wada hadal noo socdayna wuu sii xoojiyey.”