Micheal Rubin “Caalamku Wax buu ka Baran Karaa Sidii Somaliland uga Guulaysatay Maleeshiyaadka”

AqoonyahanMicheal Rubin oo ah Xeeldheere Millatari oo Maraykan ah ayaawarbixin uu maanta ku daabacay warsideyaasha caalamiga ah wuxuuciwaan uga dhigay”Caalamku wax buu ka baran karaa sidii Somaliland uga Guulaysatay Maleeshiyaadka.”

Mr. Rubin Wuxuu warbixintan ku faalleeyey sida Soomaaliya oo Dawladda Maraykanku ay ku taageerayso sannadkan$900 oo Milyan oo Doolar aanay haddanawaxba uga qaban dhinaca Ammaanka dalkeeda, taasina ay Maraykanka ku tahay tacab khasaar. Waxaanu xusay in Soomaaliya ay ku guulaysatayhoryaalka dalka ugu musuqmaasuqa badan Adduunka ooay xataa ka sii liidatodalalka Yemen, Waqooyiga KuuriyaiyoVenezuela.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo faallada Mr.Micheal Rubinka soo xigatay Warsidaha Foreign Policy, ayuu ku sheegay in Somaliland ay miisaaniyaddeeda oo dhan$350 Milyan oo Doolar ay Saddex meeloodow meel geliso Ammaanka iyo Gaashaan-dhigga.

Mr. Rubin wuxuu xusay inuu soo bandhigaysiday Maraykanka lagama maarmaanka ugu tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan oo uu socdaal ku tagay bishii hore.

Khabiirku wuxuu ku dooday in lacagaha Soomaaliya la siiyaa ay tahay mid keenaysa wakhti lumis isla markaana fawdo sii gelinaysa dalkaas, waxaanu carabaabay in khaladaadkii Maraykanka iyo Qarammada Midoobay ay ka sameeyeen Ciraaq ay mid la mid ah ka sameynayaan Soomaaliya.

Waxa kaloo uu naqdiyey Safiirka Marayanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamotooo uu xusay inaanu iman Somaliland, isla markaana dhaqaalaha loogu yabooho Soomaalidauu doonayo in lagu isticmaalo Soomaaliya oo kaliya, waxaanu tallabadaas ku sifeeyey mid ka hor imanaysa siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ee ku wajahan Afrika.

Mr.Micheal Rubinwuxuu intaas ku daray in Dawladda Maraykanku ay lacag xad dhaaf ah ku bixiso ka hortagga maleeshiyaadka caalamka ka jira, balse wax aad u yari ka midho dhalaan dedaalkaas, waxaanuqiray in Somaliland ay maleeshiyaadkeedii gobollada oo dhan ay ku guulaysatay inay iskugu geyso hal ciidan qaran, waxaanu caddeeyey in hannaankii ay u maareysay Maleeshiyaadku ay cashar u noqon kartomeelo badan oo caalamka ah.

Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495