Nin Soomaali oo Celiyay Geel uu Dhacay 33 Sanno ka hor

Soomaalida waxaa dhaqan u ahayd in ay geela kala dhacdo, sida kaliya ee inta badan lagu xalin jirey arrinkaasna waxa ay ahayd in geel kale lasoo dhoco ama dirir ay dhacdo.

Sidaas darteed markii ninka lagu magacaabo Aadan Garoo reerkooda laga dhacay 55 halaad, waxa uu sameeyay waxa ay ahayd in uu geel kale kasoo dhoco reero ay isku heeb yihiin raggii geela qaaday.

Balse 33 sanno kadib ayuu hadda dib u celiyay geelii uu soo dhacay, BBC-da ayuuna uga waramaya sidii ay wax u dhaceen.

“Dhaqanka Soomaalida ayaa sidaas ahaan jirey, dadka wuxuu isticmaali jirey maxaad soo dhacdaa iyo maxaad dishaa” ayuu yiri Aadan oo intaas ku daray in geela looga dhacay deegaanka Dery oo u dhaxeeya Awaare iyo Bulaale oo ku yaala dhulka Soomaalida ee Itoobiya.

Isaga oo u waramayay wariyaha magaalada Hargeysa Sadiiq Burmad ayuu sheegay in alle ka cabsi awgeed uu u celiyay geela.

Balse waxa la yaabka leh ayaa ah in Aadan iyo ninkii uu geela ka dhacay oo lagu magacaabo Cumar Cabaas ay ahaayeen rag is yaqiinay, “Waligiis ima uusan I weeydiin geelii aan ka dhacay 1986-dii, sababtuna waxa ay ahayd dhaqan ahaan waxa la kala dhoco la’isma weeydiiyo” ayuu yiri Aadan.

Waa arrin dhif iyo naadir ah in geel la kala dhacay la’isu celiyo, gaar ahaan dad aanan isku heeb ahayn marka laga hadlayo abtirsiga Soomaalida.

BBC Somali-Source