Sh Aadan Sune Oo Muddo Laba Sanno Ah Xidhan Oo Saaka Xaalad Caafimaad Loo Geeyey Cisbitaal Hargeysa Ku Yaala

Hargeysa (GNN):- Sheekh Aadan Sunne oo muddo ku dhow laba sanno ku jira jeelka Hargeysa, ayaa saaka la geeyay cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ehellada sheekha ayaa sheegay in caloosha dhaawac kasoo gaadhey markii ay qabanayeen ciidamada RRU-da, oo uu gurigiisa kasoo xidhay.

Shalay ayay ahayd markii warbaahintu ay baahiyeen warka xaaladda caafimaad ee Sheekh Aadan Sunne oo ay baraha bulshadu soo galisay gabadh uu dhalay Sheekhu.

GABILEY.NET