Somaliland: Maxkamadda Sare oo ay Wehelinayeen Bahda Kale ee Garsoorka oo u Guuray Gobollada Galbeedka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo caddeeyey inay muddo bil ku dhaw hawlo shaqo u joogi doonaan Gobollada Gabilay, Awdal iyo Salal + ujeedooyinka ka dambeeya go’aankan

Gabiley(GNN):- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka socda hay’adaha kale ee garsoorka, gaar ahaan qaybta Maxkamadaha guur-guura (mobile courts), ayaa u guuray degaannada Gobollada Galbeedka Somaliland, halkaas oo ay muddo toddobaadyo ah ku sugnaan doonaan, isla markaana ku dhegaysan doonaan dacwadaha kala duwan ee racfaanka hore looga qaatay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gabilay shalay, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in ujeedada loogu guuray dhinaca Gobollada Galbeedku ay la xidhiidho sidii garsoorka iyo caddaaladda loogu dhawayn lahaa bulshada, dacwadahana ku soo dhegaysan doonaan goobaha magaalooyinka iyo miyiga ah ahba.

 “Waxa aannu iclaaminaynaa in Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ay u soo guurtay Gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan qaybta la odhan jiray Maxkamadaha guur-guura (mobile courts), iyadoo ka shaqayn doonta degaannada Gabilay, Awdal iyo Salal, wixii maanta (shalay oo taariikhdu ahayd 13 March 2019) laga bilaabana ay muddo bil ku dhaw ay gobolladaas mari doonto, kuna sugnaan doonto, haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Maxkamadda Sare maaha dhaqaaqaas ay mar uun guurayso, laakiin bil walba waxay u baxdaa degaannada ka baxsan Caasimadda Hargeysa, balse imminka raritaankani waa Maxkamaddii Sare oo dhammaystiran oo aan cid qudhi ka hadhin, ujeedada ugu wayn ee ay Maxkamaddu u soo guurtayna waa in adeegyada garsoorka iyo caddaaladda loo soo dhaweeyo bulshada, iyadoo ay bulshadu isugu jirto qayb dhaqaale haysata iyo qayb aan dhaqaale haysan oo dan-yar ah, markaa waa in loogu tago goobaha ay ku nool yihiin, si kiisaska iyo dacwadahooga loo dhegaysto.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in ujeedadu aanay ahayn in Maxkamadda Sare ay fadhiisato oo qudha magaalooyinka waaweyn ee dalka, balse ay waajib tahay in dadweynaha loogu tago goobaha ay ku nool yihiin ee ka fog magaalooyinka.

“Waxa kaloo ujeedada ka mid ah in loogu soo gar-naqo meelihii la isku haystay ee ka mid ah degaannada ka fog magaalooyinka waaweyn oo halka ay Maxkamadduhu iska fadhiisan lahaayeen magaalooyinka waaweyn oo qudha ay go’aan halkaas ku gaadhi lahaayeen, waxa ka muhiimsan in garsoorku uu tago goobaha ay dacwaduhu ka taagan yihiin, dadkana loo dhaweeyo garsoorka iyo caddaaladda, kadibna halkaas dacwadahooga lagu dhegaysto, na tusa la yidhaahdo, sidoo kale Maxkamaduhu booqdaan xabsiyada, markaa muddada aannu hawshan ku jirno waxa aannu booqan doonaa xabsiyada degaannada Galbeedka Somaliland oo ilaa Wajaale ayaannu tegaynaa, waxayna Maxkamadda Sare u bixi doontaa ilaa soddon goobood ama degaan oo ka tirsan Gobolka Gabilay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale caddeeyey in bahda garsoorka u guuray degaannada galbeedku ay ka kooban ilaa 70 xubnood oo ka kala socda Maxkamadda Sare iyo qaybaha kale ee hay’adaha garsoorka, waxaannu yidhi; “Dadka soo guuray waxa ay ka kooban yihiin ilaa 70 xubnood oo isugu jira garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, hawlwadeenada kale ee Maxkamadda Sare ee kala ah; kaaliyeyaasha iyo dadka kale ee caawinayey, waxa kaloo ka mid ah qareennada difaacayey ama u doodayey dadka dacwaduhu ka dhexeeyaan, goobaha la booqanayaana waa magaalooyinka waaweyn, tuulooyinka, dhulka beeralayda ah, dhul-daaqsimeedka iyo degaannada miyiga ee Gobollada Galbeedka Somaliland, waana meel kasta oo ay dacwad ka timaad ama meel kasta oo ay gar ka jirto way booqanaysaa Maxkamaddu.”

 Waxa kaloo uu caddeeyey in muddada labada toddobaad ah ee ay joogaan Gobolka Gabilay ay kormeer iyo qiimayn ku samayn doonaan madaxda hay’adaha garsoorka ee ka hawlgala gobolkaas, isla markaana ay dhegaysan doonaan wixii cabashooyin ah ee ay dadweynuhu tirsanayaan.

“Waxa kaloo uu arrinkani xoojinayaa oo baal-socda madaxda ka shaqaysa Gobolka oo iyaga laftooda kormeer ayaannu ku samaynaynaa, si aannu ula xisaabtano halka ay shaqada marinayaan iyo sidii kale in aannu dhegaysanno waxyaabaha lagaga cabanayo. Waxa kaloo aannu iyadana albaabada u furaynaa oo aannu soo dhawaynaynaa wixii cabashooyin jira oo dhan, waxaanan u dhegaysanaynaa si furan oo goob-joog loo wada yahay, iyadoo aannu qofka cabanayaa meelna soo marayn ee uu si toos ah ugu imanayo Maxkamadda Sare, si toos ah ayaanan u qaabilaynaa oo muwaadin kasta waannu dhegaysanaynaa inta aannu ka shaqaynayno Gobolka Gabilay oo ah toddobaadkan lagu jiro iyo toddobaadka soo socdaba, kadibna Gobollada kale ayaannu u sii gudbi doonaa, haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale u mahadnaqay Madaxda hay’adaha garsoorka Gobolka Gabilay oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gabilay, Xeer-ilaaliyaha gobolkaas iyo madaxda kale ee qaranka Somaliland uga masuulka ah Gobolka Gabilay oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka, Maayirka Degmada Gabilay iyo Taliye-qaybeedyada Booliska, kuwaasoo uu xusay inay dhammaantoodba shirar la qaadan doonaan muddada ay joogaan Gabilay.

Xubno ka socday Hay’adaha kale ee Garsoorka ee wehelinaya Maxkamadda Sare ee u guurtay degaannada Galbeedka Somaliland oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in tallaabadani tahay mid bulshada loogu soo dhawaynayo adeegyada garsoorka iyo caddaaladda, dacwadaha kala duwan ee ay ka mid yihiin kuwa ciqaabta ah lagu dhegaysan doono hadba goobta ay ka taagan yihiin ee ka tirsan Gobollada Gabilay, Awdal iyo Salal.

Waxa kaloo ay sheegeen in la dhegaysan doono dadka xidhan ee dacwadahooga ka qaatay racfaanka, iyagoo caddeeyey in isla shalayba dacwadooda la dhegaystay laba haween ah, kadibna xoriyadooda dib loogu celiyey, halka sidoo gabdhahaas xoriyadooda helay ay si xooggan ugu mahadnaqeen Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ay sheegeen inay si caddaalad ah u dhegaysatay kiisaskooda, kadibna ku qanacsaday in aanay ku sii jiri karin xabsiga, sidaasna lagu siiyey xoriyadooda.

Gabiley News Network