Tirada Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Xabsiga Loo Dhigayo Falal Musuq Maasuq Oo Ay Sameeyeen

Hargeysa (GNN):- Hanti dhawraha guud ee qaranka somaliland ayaa qorshaynaya inuu xabsiga u taxaabo 8 masuul oo ka mid ah xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

Warar xogogaal ah ayaa sheegay  in hanti dhawrku uu ku ogaaday baadhisyo uu waday masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyey falal musuq maasuq kuwaas oo haatan la qorshaynayo in xabsiga loo taxaabo.

Wararka ayaa sheegay in masuuliyiintani ay iskugu jiraan heer wasiir ilaa heer agaasime Waaxeed kuwaas oo haatan laga qaadayo xilalka hayaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi loo gudbiyey natiijada baadhista uu hanti dhawruhu waday, iyada oo madaxweynuhuna uu ku garab istaagay hanti dhawraha inay shaqadooda ka gutaan masuuliyiintaasi marka uu ka qaado xasaanada ay hayaan.

Dhinaca kale waxa si weyn loo hadal hayaa isku shaandhayn uu golaha wasiirada ku samaynayo madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay soo dedajin karto warbixinta uu hanti dhawrku soo saaray, iyada oo la qorshaynayo in masuuliyiinta falalka musuq maasuq lagu hayo xilka laga qaado ka hor inta aan xabsiga la dhigin.

GABILEY.NET