War Deg-Dega-Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ee Kasoo Jeeda Gobolada Barriga Oo Shir Ka Galay Arrintan Baandhista Hantidhawrka Ka Sameeyey Xubno kasoo jeeda.

Hargeisa(GNN):-Siyaasiyiintan oo ay kamid ahaayeen wasiirka wasaarada Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Cabdirashiid Ducaale Qambi, wasiirka wasaarada gaashaandhigga Axmed Ciise Xawar iyo Wasiirka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo xildhibaano ayaan loo ogolaan in warbaahintu goobjoog ka ahaato shirka.

Markii uu shirku dhamaaday ayaa xildhibaan Indho Indho la hadlay warbaahinta waxaanu sheegay in shirka ay maant ku galeen Xafiiska gudoomiye Baashe ahaa shir u gaar ahsiyaasiyiinta ka soo jeedo reer kooda ” Reer baanu ahayn danahooda ka shiraya, arin dawladeed maanta may ahayn, mid qabiil bay ahayd, maal maha qaarna waanu shirnaa, qaarna waanu cibaadaysanaa, qaarna dawladaanu u shaqaynaa, maanta waxay ahayd maalintii reerku kulmijiray, danahayaga ayaanan ka shiraynay” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho.

Xildhibaanka oo lawaydiiyay in shirku ku saabsanaa Laba wasiir oo ka soo jeeda deegaankooga oo Hanidhawrku galay wasaaradaha ay masuulka kayihiin ayaa yidhi “Anaga marka horaba meelo wax laga cuno nalama gayn, meelaha ay wax yaalaan ayaa wax laga cunaa dhul wax laga cunaba majoogno”

Xildhibaanka oo lawaydiiyay sababta ay shirkoogan ugu qabteen xarunta golaha wakiilada gaar ahaan xafiiska gudoomiyaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ku jawaabay “Anagaa ku kulana, anagu hudheelana malihin sidiina (Wariyaha su’aasha waydiiyay) marfashyana malihin, halkanaa noo xafiisyo ah” ayuu ugu jawaabay warbaahinta.

Xarunta golaha wakiilada ayaa ah halka ay ku shaqeeyaan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee uu gudoomiyaha uyahay gudoomiye Baashe.

Hantidhawrka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray baadhitaan ay ku wadeen xafiisyada wasaaradaha qaar kood sida wasaarada Gaashaandhigga iyo wasaarada Hawlaha guud oo ay wasiiro kayihiin Wasiir Axmed Ciise Xawar Iyo Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ku sugnaa shirkan.