Wasiirka Arrimaha Dibeda Jsl Oo Ka Hadlay Warbixintii Aljazeera, Meeshana Ka Saaray In Dahab Shiil Ku Lug Lahaa Heshiiskii Dp World

Hargeysa(GNN):-Shirguddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa uu kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada ee Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed, waxaanay guddoomiyayaasha labada gole la hadleen warbaahinta ka dib markii uu kulankaasi dhammaaday.

Sida oo kale shirgudoonka golayaasha baarlamaanka ee Somaliland ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada ee Ereteriya Cismaan Saalax la siiyay dhukmatiyada muhiimka ah ee Somaliland oo dastuurkuna uu ka mid yahay.

Ugu horayntii Baashe Maxamed Faarax guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ka hadlaayay kulankan wax uu yidhi “ Waxaan ka wada hadalnay waxa weeye dhibaatooyin ayaynu soo wada marnay laakiin iyagu way kala baxeen Itoobiya oo laba dawladood ayay noqdeen, waxaana ku heshiiyay Itoobiya iyo Eratariya oo si wanaagsan oo walaaltinimo ah ayay u kala baxeen khibradaasna way leeyihiin, waynu soo wada marnay dagaal, inaguna aynu Soomaaliya la dagaalanay iyaguna Itoobiya, hadana markii danbe ay xoroobeen inaguse aynu wali iska laalaadno, waxaanu ka codsanay inay nagala shaqeeyaan sidii aynu u kala bixi lahayn walaalaheen, laba dawladood oo walaalo ah oo daris ah oo wax is tara aynu u noqon lahayn, Geeska Afrikana ka mid ayaynu nahay oo isbadalka ka jira qayb ayaynu ku leenahay, hadii aan qaybteenii laynaga siinayna wax ka hagaagayaa ma jiraan, cidna indhaa inagama la’lin karto.”

Guddoomiye Baashe waxa uu intaas ku daray“Waxay yidhaahdeen waa markii ugu horaysay oo waanu indha indhaynaynaa taariikhdeena iyo waxeenana way yaqiineen, markaas wax alle iyo waxii aanu idinla qaban karno waanu idinla qabanaynaa wayna qaateen dastuurkeenii oo ah in aanay wax laga gorgortamaayo ahayn, waxii dhukmati ahaa ee aanu haynay ee ku saabsanaa Somaliland waanu siinay oo waa ay qaateen.”

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhankiisa sheegay in ay wasiirka arimaha dibada Ereteriya ka wada hadleen“ Waxay inoogu yimaadeen oo ay yidhaahdeen bal xaaladiina ayaanu idinla eegaynaa waxii aanu qaban karno markaas ayaanu qaban karnaa marka aanu xogagaal noqono, insha allaahu way kaga dhabayn doonaan anaguna u waranay dawladuna u warantay waxaynu ku rajo weynahay markay daqiijiyaan ee ay caloosha u sii daayaan in markaas waxa ka soo baxaa uu wax ina anfaca noqdo.”