Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wasiirka Warfaafinta Ereteriya Oo Ka Hadlay Socdaalka Ay Weftigoodu Hargeysa Ku Joogaan

Asmara- Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel, ayaa ka hadlay socdaalka ay weftiga Ereteriya ku joogaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wasiir Yemane, ayaa bartiisa twitterka kaga hadlay socdaalka weftiga Ereteriya, waxaanu yidhi “Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Salaax iyo la taliyaha madaxtooyada Yemane G/ab ayaa ku tagay Hargeysa socdaal shaqo oo qayb ka mid ah dedaalada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada gobalka.” Ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta ee dalka Ereteriya waxaanu intaas raaciyay “Weftiga Ereteriya ee uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax, ayaa Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka mahadceliyay dedaalada Ereteriya. Madaxweynaha ayaa weftiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda iyo aragtida Somaliland.”

W.Geeska

%d bloggers like this: