Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Oo ka Muquurtay Munaasibad Qaran oo lagu Casuumaday+Siyaasi Duur Oo Ciyaaray Fursad Indhaha Bulshada Soo Jiidatay.

Hargeisa(GNN):-Musaabida Dhagax dhiga jidka isku xidha somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Corridor oo ay kasoo qaybgaleen wufuud kala socotay Dawladaha Eraamaadka Carabka iyo Itoobiya isla Markaana ay goob joog ka Ahaayeen Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxda asxaabta Qaranka somaliland ayaa waxaa fursadii uu lumiyay Xisbiga maraacidka ah ee wadani ayaa Taa Badalkeedii goobta loogu talo galay Xisbiga wadani Waxaa buuxiyay siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo kamida Saraakiisha Sar sare ee Xisbiga.

Munaasibada dhagax dhiga oo ahayd mid qaran islamarkaana bulshada somaliland u ah fursad horumarineed tii ugu horaysa ee ay Ka hesho Beesha caalamka balse xisbiga wadani ka Muquurtay casuumadii loo fidiyay ayaa indhaha shacab somaliland waxay qabteen badal xubnihii ka maqnaaday iyo Siyaasi Duur oo safarka Hore fadhiya.

Talaabadan uu siyaasi Duur qaaday ayaa hadal haynteedu  ku badnay baraha ay ku ku lanto bulshadu  taasi oo dadka siyaasada falanqeeyaan ku tilmaameen in doorka siyaasi duur ciyaaray in uu yahay mid ka duwan dhaqanadii looga bartay madaxda asxaabta mucaaridka ah balse  taasi  badalkeedii uu muujiyay muwaadinnimo ay ku dheehan tahay bisayl siyaasadeed oo u baahan in ay waxku qaataan madaxda xisbiga wadani,

Siyaasi Duur ayaa isagu kamid ahaa mudanayaashii laga soo doortay gobolka saaxil doorashadii golaha wakiilada ee 2005, waxaana xusid mudan in  mashruuca dhagax dhiga wadada berbera corridor uu yahay mid usoo kordhay shacabka somaliland gaar ahaan shacabka Reer saaxil Ee uu matalo Siyaasi Duur.

Dhanka kale Siyaasi Duur ayaa  lagu tilmaamaa in uu kamid yahay siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee siyaasi Duur ayaa waxay jufo hoose Ay isku yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro isagoo ahaa masuulkii xisbga wadani uqaabilsanaa gobolka saaxil xiligii doorashada oo xisbigu cod badan ka helay taageero balaadhanna ku leh gudaha xisbiga iyo gobolada dalka.

Dhanka kale ka qaybgalka xafladan ee siyaasi duur ayaa muujisay  dhamaystirka asxaabta somaliland  iyo in ay meel uga soo Wada  jeestaan munaasibadaha waawayn ee qaran oo iyagu dhamaystirka madaxda asxaabta qaranku dhirbaaxo culus ku yahay cadowga Somaliland iyo cidkasta oo ku dooda in bulshada reer Somaliland kala qaybsan tahay  iyagoo arimahani  kalsooni wayn siinayaan wadamada danaynaya in somaliland maal gashadaan.