Bajaajle loo dilay Shan kun oo Shilin Soomaali ah iyo sida ay ku dhacday

Buulo-Mareer (GNN) –Maxamed Ibraahim Abuukar oo ahaa wade Mooto bajaaj ayaa xalay Askeri ka ritsan ciidanka Dowladda  Somalia waxa uu ku  dilay  Degaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoyska marxuum Maxamed ayaa sheegay in Askeriga uu wiilkooda ku dilay bar-koontorool oo ku taalla deegaanka Buulo-Mareer  uuna  u dilay Shan kun oo shilin Soomaali ah.

Askerigii dilay Wiilkooda ayay sheegeen inuu ubaxsaday dhanka degaanka Shalaanbood ayna doonayaan in loosoo qabto, Cadaaladana la horgeeyo.

dilalka loo geysto wadayaasha Mooto Bajaajta Dalka Somalia ayaa soo badatay mudooyinkii danbe mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda.

GABILEY.NET