Breaking News-Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Saxafiga Madaxa Banaan ee Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Burco(GNN):-Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik muuse Coldoon oo ka mid ah suxufiyiinta somaliland.

Ciidamada booliska ayaa hore u shaaciyey inuu soo gaadhay waaran ka dhan ah wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo ay soo jartay maxkamadu iyaga oo sheegay in la eedaynayo.

Walow Aanu Jirin wax war ah oo kasoo baxay wali laamaha amaanka ee gobolka togdheer oo la xidhiidha Sababaha loo xidhay saxafigan oo mudooyinkii u danbeeyey ku maqnaa dawlad deegaanka somalida ethiopia, haddana waxa jira ilo xog-ogaal ah oo Shabakada Gabiley News Network u Xaqiijiyey xadhigiisa.

Saxafi C.maalik Muuse Coldoon Oo Warbaahin kala duwan kasoo shaqeeyey ayaa inta badan lagu xasuustaa Barnaamijyo Bulshadu aad usoo dhaweysay oo ahaa Caawinta bulshada tabaalaysan iyo dadka dhiban ee xanuunadu soo gaadheen kuwaas oo uu umada u bandhigi jiray kadibna loogu soo hagaajin jiray lacago caawimo ah oo uu gudoonsiin jiray dadkaasi baahan.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada booliska somaliland ay xidhaan Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala magaalada Burco, iyada oo hore loo xidhay isla markaana uu ku dhacay xukkun maxkamadeed.

Ciidamada booliska somaliland ayaa laga dhawrayaa inay soo bandhigaan waxyaabaha loo haysto wariye Coldoon.

Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network.