Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

DAAWO Madaxweynaha JSL Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Wax-Garad Kasoo Jeeda Bariga Sanaag + SAWIRO

Hargeisa(GNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa.

Daawo “Dawladnimo aynnu wada-dhisanno baan idiinku yeedhay, waxa aynnu haysanno oo dhexdaas inoo yaalla ayeynu ka dhigannay, walaalow adigaa leh iyo cun iyo cun baynnu ku wada-hadalnay.” Madaxweynaha Somaliland

 

 Hadhimadan uu madaxweynuhu ku maamuusay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Badhan iyo Sanaag Bari oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  xubno kamid ah shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,  xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo waxgaradka kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan.

Xubno kamid ah waxgaradka iyo salaadiinta kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadceliyey sida fiican ee uu u qaabilay, waxana ay shaaca ka qaadeen inay diyaar u yihiin sidii ay xukuumadda uga shaqayn lahaayeen hirgelinta dhammaanba wixii adeeg dawladeed ah ee deegaannadaasi u baahan yihiin.

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag iyo Badhan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay madax-dhaqameed ahaan qaybtooda uga qaadan lahaayeen hirgelinta mashaariicda xukuumaddu deegaannadaas ugu talo-gashay iyo is-fahamsiinta bulshada halkaas ku dhaqan iyo xukuumadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxannu madaxweynaha u caddaynaynay inaannu diyaar u nahay inaannu dawladda kala shaqaynno wixii horumarin ah ee deegaankaas ku saabsani sidii ay u suuroobi lahayd ee ay dawladda iyo shacabkaasi u wada-shaqayn lahaayeen, loona dardargelin lahaa is-fahanka dawladda iyo shacabka, waxana aannu rajaynaynaa inay arrimahaasi dhammaan hirgeli doonaan, dadka dhulkaas deggenina ay gobollada kale lasoo sinmi doonaan, gacanta dawladduna gaadhi doonto, baahiyahooda iyo meelaha ugu daranna warbixintooda waannu dhiibnay, dawladduna way garowsatay, waxana ay ballan qaadday inay si rasmi ah wax uga qaban doonto.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna soo dhaweeyey waxgaradka iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda Bariga Sanaag iyo Badhan ee gobollada galbeedka dalka soo gaadhay, waxana uu usoo jeediyey inay qayb ka noqdaan horumarka iyo dal-dhiska ka socda guud ahaanba dalka Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha guurtida xildhibaan Siciid Jaamac Cali, ayaa hoosta ka xarriiqay in cuqaasha iyo waxgaradka bariga Sanaag iyo gobolka Badhan ay yimaaddeen dalkoodii, sida habsamida leh ee uu madaxweynuhu usoo dhaweeyeyna ay marag ka tahay jacaylka ka dhexeeya guud ahaanba bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca golaha guurtida, magaca guddoomiyaha iyo xildhibaannadaba waxa aan halkan kusoo dhaweynayaa weftiga ka yimi gobollada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan, waxad timaaddeen dhulkiinniiye maydaan imannin dhul ajanabi ah, sida la idiin soo dhaweeyey iyo sida la idiin ixtiraamay waa Somaliland-nimada, dalku waa dalkiinii, xukuumadduna waa xukuumaddiinii, madaxweynuhuna waa madaxweynihiinnii, waanan uga mahad-celinayaa madaxweynaha sida fiican ee sharafta leh ee uu idiin qaabilay ee uu idiin soo dhaweeyey.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo taabanaya ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey salaadiinta, boqorrada iyo waxgaradka Sanaag Bari iyo Badhan kasoo jeeda ee Caasimadda soo gaadhay, waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay dhegaysiga tabashooyinka ay qabaan iyo xal u raadintoodaba.

Madaxweynuhu waxa uu talada iyo aqoonta taalla gobollada ay waxgaradkani kasoo jeedaan ay Somaliland oo dhammi u baahan tahay oo aan laga maarmi Karin, “Weftiga ka yimi bariga Sanaag waannu soo dhaweynaynaa, waxannu usoo dhaweynaynaa waa qayb kamid ah Somaliland oo aannu  muddo kala maqnayn oo Ilaahay Maanta isu kaaya keenay, Somaliland-na maanta waxa ay u baahan tahay taladiinna, maskaxdiinna, waxtarkiinna, aqoontiinna iyo baayac-mushtarkiinna, waayo deegaanka aad ka timmaadeen Soomaalida oo dhan wuu ka tilmaaman yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayey ujeeddada kulanka uu la qaatay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa waxa uu yidhi, “Dawladnimo aynnu wada-dhisanno baan idiinku yeedhay, waxa aynnu haysanno oo dhexdaas inoo yaalla ayeynu ka dhigannay, walaalow adigaa leh iyo cun iyo cun baynnu ku wada-hadalnay.”

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay muhiimadda ay nabaddu leedahay iyo sida ay furaha nolosha muhiimka ugu tahay, isaga oo waxgaradka reer Sanaagna ka codsaday inay nabadda ku mintidaan, Dalku wuxuu u kala horumaray siday nabadda ugu kala horreeyeen, mar baana jirtay ay hay’aduhu Awdal oo qudha degi jireen, mar baa jirtey ay Hargeysa soo gaadheen dhawr sano ka bacdi, sidaasi si le’eg  marba halkii nabad noqota ayaa dadkuna xoolahooda iyo dadkoodaba ku aaminayaan, markaa waxa aynnu u baahannahay inaynnu labada gacmoodba nabadda isugu geynno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay ciidamo cutubyo katirsan ciidamada qaranka oo dhawaan gaadhay degmada Yubbe, isaga oo tilmaamay in ujeeddadoodu tahay kala ilaalinta bulshada iyo difaaca cadowga, waxana uu yidhi, “Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

%d bloggers like this: