DAAWO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Roob-doonta + Sawiro

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaad Roob-doon ah oo maanta oo Axad ah laga oogay dhammaanba geyiga Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa salaadda roob-doonta kala qayb-galay boqolaal shacab ah oo ku tukaday Masjid-jaamaca magaalada Hargeysa, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay isku tashadaan, awoodda Eebbena ku kalsoonaadaan, ducadana badsadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu wada-qabsadaan sidii uga qayb-qaadan lahaayeen qorshayaasha waqtiyada abaaraha dadka iyo duunyaduba ku badbaadi karaan, qalbigooda iyo niyaddoodana saafi ka dhigaan.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu si qoto dheer u sharraxay hannaanka lagaga bixi karo abaaraha soo noqnoqday ee dhibaatada ku haya dadka iyo duunyadaba, “Abaaraha waxa aynnu kaga bixi karnaa innaga oo isku kalsoonaanna, xooggeena iyo xoolaheenna isku geynna, sidee ayeynu abaarta uga bixi karnaana ku dhaqaaqna, waxa inoo taalla in Biyaha qofba inta uu qaban karno aynnu qabanno oo dawlad, shacab iyo ganacsatoba intaynnu xoog ku qaban karno isugu geynno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada ugu baaqay inay maalinta Berri ah oo hore loogu asteeyey inay noqoto maalinta qaran ee dhiraynta ay u diyaar garoobaan sidii uu qof waliba u beeri lahaa Geed cusub si ay dhirtaasi wax uga tarta abaaraha soo noqnoqda, islamarkaana dhul-daaqsimeedka  xoolaha loogu qaybiyo  qayb keyd noqota oo waqtiga abaarta lagu baxsado iyo qayb la daaqsimeed, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Berrito waxa aan ka codsanayaa dhammaan Somaliland gobollada oo dhan inuu gobol waliba Soddon kun oo Geed beero, qof walibana haddii uu ka badin karayo uu ka badiyo, si aynnu abaar uga baxsano, dhulka ILaahay ina siiyey ee aynu u talinnona xoolo ayeynu ku noolnahay, xoolahaasna waxa aynnu u baahannahay inaynnu dhulka u qaybinno oo meelna aynnu u keydinno wax ku beerno oo aynnu seero ka dhigno oo jiilaalka iyo abaaraha ku baxsadaan, inta kalena aynnu daaqsiinno, waana talo-xumo in dhulkeenna oo ballaadhan aynu xoolaheenna u kala keydsan weynno.”

Ugu dambayntii waxa uu bulshada Somaliland Eebbe uga baryey inuu abaaraha kasoo furto, cirkana madar Khayr qayba ka siiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay quluubtooda nadiifiyaan oo ay daacad isu noqdaan.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq