Daawo Sanad Guuradii 5aad Ee Shirkadda TAKAAFUL Oo Magaalada Hargeysa Ka Qabsoontay Iyo Haldoorka Dalka Oo Ka Soo Qeybgalay

Hargeysa(GNN)Munaasibad Balaadhan oo loogu dabaal-dagayo Sanad Guuradii Shanaad Ee ka soo wareegtay Markii Dhidibada Loo Taagay Shirkadda Caymiska Ee Takaaful Insurance of Africa ayaa xalay lagu qabtay magaaladda hargaysa.
Munaasibadan loo qabtay ayaa kulmisay Haldoorkii iyo Labeentii Somaliland oo iskugu jiray salaadiin,aqoon yahay,culimo,wasiiro iyo xildhibaano kal kala tirsan golaha baarlamaanka ayaa dhamaantood isku raacay in adeegyadda ay shirkadda Takaaful Bixiso ay yihiin qaar bulshadu mahadisay.

Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska Ee Takaaful Cumar Xuseen Xaaji Cumar ayaa faah-faahin ka bixiyay Waxyaabaha ay muhiimadda gaarka ah siiso shirkadooda Takaaful waxaana uu yidhi.

“Shirkadda Takaaful Waa Shirkad Caymis ah oo bariga iyo badhtamaha Africa ka shaqeeya waana shirkadii ugu horaysay ee Caymiska Xalaasha ah ee laga furo somaliland waa caasimadii 2aad ee laga furo nidaamkan waxa kaliya ee inaga horaysay waxa weeyaan Nairobi.

Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska Ee Takaaful ayaa Ku Nuux-Nuuxsaday Hadafka Iyo Qorshayaasha ay Leedahay Shirkadda Takaaful iyo Sida ay Rabto in ay bulshadda somaliland ugu adeegto waxaana uu yidhi.

“Yoolka ay shirkadu leedahay waxa weeyaan in ay noqoto Shirkadda Kaliya ee bixisa Caymiska xalaasha ah ee qaaradda Africa taas oo ay bulshadda ugu adeegayso hab ku dhisan adeegid xalaal ah oo bulshadda ugu fulinayso adeegyadda kala duwan ee ay shirkadu qabato.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimadda waawayn ee somaliland ayaa ku dheeraaday Adeegsashadda Shirkadda Caymiska Ee Takaaful waxa uu shacabka u dhigan yahay.

“bulshadda islaamku waxa ay macno ku samaysaa noloshoodu in ay wadda jiraan oo ay is kaashanayaan waana wax aad loogu farxo aadna waan u soo dhawaynayaa adeega Ay Sameyeen shirkaddan takaaful iyo waliba sida ay markasta culimadda ula tashanayaan sidii markasta tafsiil sharci loogu samayn lahaa,waxaanan soo jeedin lahaa hadii ay jiraan Kombaniyo kale in ay ku daydaan adeegyadda ay qabanayso shirkadda caymiska ee takaaful oo waafaqsan shareecadda islaamka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET