Dagaal Ka Dhacay Jiida TUKARAQ Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Wararka ka imaanaya jiida Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo kooxda maamulka puntland taageerto ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Dad ku sugan gudaha Tukaraq ayaa u sheegay warbaahinta In koox hubaysan oo ka tirsan jabhadda SSC ay xalay weerar saddex jihaa ku soo qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee tuuladaasi inkastoo sida ay sheegeen markii dambe dib loo celiyay kooxdii weerarka soo qaadday.

Dagaalka oo mudda socday ayaa waxa ka dhashay khasaare aan si faahfaahsan loo ogayn balse dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay arkeen hal gaadhi oo ka gubtay Jabhada Korneyl Faysal Falaalug

Warar kale ayaa sheegaya in uu khasaare nafeed kala gaadhay labada dhinac ha’yeeshee ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijiysay khasaarahaasi iyo inta uu le’egyahy.

Jabhadda la baxday xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug  oo ay daada ka riixayaan maamulka puntland ayaa weerarro gaadma ku soo qaadda ciidamada Somaliland ee jooga degaannada gobolka Sool gaar ahaanna tuulooyinka Gambadhe iyo Tukaraq.

Gabiley.Net