Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Danjiraha Maraykanka u Qaabilsan Wadamada Somaliland iyo Somalia Oo La Filayo Inuu Socdaal Ku Yimaado Hargeysa

Safiirka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaalida danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu socadalkiisu noqon doonaa kii u horeeyay ee uu Hargeysa ku yimaado tan iyo markii bishii julay ee kal hore xilkan loo magaaabay.

Danjire Yamamoto oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika isagoo hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay dad badan oo ay ku jiraan khubaro Maraykan ahi ku dhaliileen danjiraha sababta uu u soo booqan waayay Somaliland.

Hase yeeshee, warar soo baxay ayaa sheegaya in dajire Donald Yamamoto uu maalmahan socdaal ku iman doono caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dadka qaar ayaa danjire Donald Yamamoto ku eedeeya inuu yahay maskaxda ka dambaysay in Maraykanku meesha ka saaro siyaasadii (Dual track policy) oo ahayd macaamil uu Maraykanku mucaawinada ugu kala qayb jiray Somaliland iyo Soomaaliya.

%d bloggers like this: