Deg Deg Daawo Isimada Beelaha Dega Sanaag Bari Oo Gobolka Gabiley Soo Gaadhay Iyo Ujeedka Imaatinkooda

Gabiley(GNN)Isimada Iyo Madax Dhaqmeedka Beelaha Dega  Bariga Gobolka Sanaag Oo Dhawaanahanba Socdaal Isbarasho Ah Ku Marayay Gobolada Somaliland.Ayaa Maanta Soo Gaadhay Gobolka Gabiley, Waxana Si Diiran Gobolka Ugu Soo Dhaweeyay Maamulka Gobolka Ka Degmada Uqaasha Isimada Iyo Madax DHaqmeedka Gobolka Gabiley.Socdaalka Saladiintan Kaso Jarmaaday Bariga Gobolka Sanaag Ayaa Ku Diirsaday Soo DHaweynta Balaadhan Ee Reer Gabiley Ku Qaabileen.Qaar Ka Tirsan Isimada Sanaag Bari Ayaa Ku Tilmaamay Socdaalkoodan Mid Lagu DHiirigalinayo Isdhexgalka  Bulshada Iyo Isbarashada Saladiinta Iyo Bulshooynka  Ku Boohoobay Qarankan Somaliland.Wuxuna Socdaalkan Dhidibada U Aasayaa In La Helo Bulsho Bari Ilaa Galbeed Isku XIdhan Oo Ka Wada Tashada Aayaha Iyo Hormarinta Qarankeenan Somaliland.Qaar Ka Tirsan Saladiinta Gobolka Gabiley Ayaa Isiamda Sanaag Bari Kuso Dhaweeyay Gobolka Cagaaran.Isiamda DHaqanka Sanaag Bari Ayaa Uga Mahadnaqay Reer Gabiley Soo DHaweynta Qiimahaleh Ee Lagu Qaabilay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Isimadan Kaso Kicitamaya Sanaag Bari Ayaa Socdaal Isbarasho Ah Ku Marayay Gobolada Somaliland.Socdaalkaasi Oo La XIdhiidhay Isbarasho Iyo  Isdhexgalka Bulshada Salaadiintan Ayaa Gobolka Gabiley Ku Soo Beegmaya XilI Uu Gabiley Ka Curtay Roobabkii Guga Waxana La Dajiyay Isimadan Beelaha Sanaag Bari  Guriga Martida Ee Magaalada Gabiley Halkaasi Oo Ay Kulama La Qaadan Doonaan Uqaasha Iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET