Deg Deg Daawo Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Oo Kormeerkisii Ugu Horeeyay Ku Tagay Jeelka Weyn Ee Gobolka Gabiley

Gabiley(GNN)Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Abdirisan Cali Cabdi  Ayaa Kormeer Shaqo Ku Tagay Jeelka Weyn Ee Magaalada Gabiiley Kormeerka Wasiirka Cadaalada Ayaa Daaran Ukuurgalida Xaalada Jeelka Iyo Maxaabiista Ku Jira.Safarkan Wasiirka Ee Lagu Darsayo Hawlaha Jeelka Iyo Adeegyada Uu Siiyo Maxaabiista   Waxa Sido Kale Ku Wehelinayay Badhaasbka Gobolka Gabiley Maayerka Magaalada Xoghayaha Fulinta Iyo Saraakiil Ciidan,Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed AMiin Cumer Cabdi Ayaa Ugu Horeyn Warbaahinta Uga Warbixiyay Ujeedka Socdaalka Uu Wasiirku  Jeelka Ku Yimiday.Badhasaabka Gobolka Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Ayaa Dhankooda Tilmaamay In Ay Muhiim Tahay In  Lagasoo Warhelo Xaalada Guud Ee Jeelasha Iyo Maxaabiista Si Loo Ogaado Baahiyaha Ay Qabaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Si Kastaba Ha Ahaatee Dhawaan Ayuu Xilka Wasaarada Cadaalada La Wareegay  Cabdirisaaq Cali Cabdi Waxa Durtadabii Muuqanaya Inuu Qaadayo Talaabooyin Sahlaya In La Ogaado Xaalada DHabta Ah Ee Ay Ku Suganyihiin Maxaabiista Ku Jira Jeelasha Somaliland,Waxana Laga Dhurssugayaa Wuxu Soo Kordhin Karo Kormeerkan Maanta Uu Wasiirka Cadaaladu Kusoo Booqday Jeelka  Weyn Ee Magaalada Gabiley Oo Ah Jeelka Ugu Weyn Somaliland Ee Lagu Xidho Maxaabiista Dumarka.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET