Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Deg Deg :- Hoyga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Helay Shandado Ay Ka Buuxaan Lacago Kala Duwan

Sudan (GNN):- Ilo Sirdoonka Milliteriga dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in  hoyga Cumar Xasan Al-bashiir laga helay shandado ay ku jiraan in ka badan 351,000 oo Dollar, 6 million oo Lacagta EURO iyo 5 million ee Giniga dalka Suudaan.

Ilo dhinaca Garsoorka oo la hadlay REUTERS ayaa iyagana sheegay inuu Dacwad-oogaha Dowladda amray in la soo xiro Albashiir  iyo in ay si degdeg ah wax loo weydiiyo, si loo soo maxkamadeeyo.

Dacwad-oogaha ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi su’aalo ku dhex weydiiyo Xabsiga uu ku xidhan yahay ee Kobar oo ku yaalla magaalladda Khartuum.

Tallaabadan ayaa soo baxday, kadib, markii uu Dacwad-oogaha bilaabay baaritaankadacwado la xidhiidha  inuu Albashir lacago xawishay.

Ururka Xirfadlayda Suudaan ee horkacayey Dibadbaxyadda  waxay ku baaqeen in  lala xisaabtamo Al-bashiir iyo Maamulkiisa oo ay ku eedeeyeen inay geysteen Musuq iyo inay fududeysteen  Xiisahii Dhaqaale-xumida ee sannadihii ugu dambeeyey ee Xukunkiisa.

Dhinaca kale, Qaraabadda Albashiir waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Baaritaanka la sheegay in lagu bilaabay Albashiir, iyadoo ilo ka tirsan qoyskiisa ay  isbuucii hore sheegeen in Al-bashiir loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee magaalladda Khartuum.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: