Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dhacdo Layaab Leh-Cusbitaal Ku Yaala Magaalada Muqdisho Oo Maanta Laga Xaday Ilmo Yar oo Haweenay Ku Umushay.

Muqdisho(GNN):-Dhacdo ka dhacday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho ayaa aad loo hadal hayaa, taasi oo ku aadan in isbitaalka SOS laga xaday canug ay dhashay haweeney ku sugneyd Isbitaalka.

Naciima Maxamed Maxamuud ayaa dhashay canuga yar ee la sheegay in lagu xaday Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi la sheegay inay huraday haweeneyda.

Sidoo kale dadka la joogay Hooyo Naciimo Maxamed  ayaa la sheegay inay salaad soo aadeen, Markii ay ku noqdeen qolkii ay ku jirtayna waxay waayeen canuga, sida aabaha uu warbaahinta u sheegay.

Markii falka uu dhacay kadib waxaa lagu guul dareystay baaritaan lagu sameeyay cidda qaaday canuga oo ilaa iyo hadda la sheegay inuu ka maqan yahay Hooyada Dhashay oo lagu magacaabo Naciimo Maxamed Maxamuud.

“Markii aan Xaafadda tagay oo aan rabay inaan cashadii qaado ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararray, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala”

“Qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay; dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay. Waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf.

Waa dhacdo ku cusub shacabka magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyiinta isbitaalka ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhacdada ka dhacay gudaha Isbitaalka.

 

Muqdisho Office

Gabiley News Staff.

%d bloggers like this: